Maamulka gobolka banaadir ee haatan jira ayaa ka dhamaan la’a musuq baahsan oo loogeysanayo hantida shacbiga soomaaliyeed.
Gudoondada gobolka ayaa ku kaca falal aad uga baxsan dowlad wanaaga iyo masuuliyadniamada.
Siyaasiyiinta iyo bulshada ku nool magaalada muqdisho ayaa siweeyn u dhaliila madaxda gobolka maamuleysa iyagoo ku tilmaamay iney yihiin gudoonadii ugu xumaa ee abid soomara gobolka banaadir.
Shacabka ku nool muqdisho ayaa laga qaadaa lacago canshuur ah iyadoo aan la ogeeyn halka ay ku baxdo waxa sidoo kale jira mashaariic waa-weeyn kuwaasi oo loogu magic daray bilic soo celinta gobolka banaadir balse ah mashaariic laga baad ah lagu qaato oo kaliya shaar dowladeed loosoo xirtay dhaca bulshooyinka ku nool caasimada dalka.
Dhowr jeer oo hore ayaa dowladda soomaaliya loo gudbiyay cabashooyin ka dhan ah madaxda gobolka balse majirto wax fal celin ah oo ay sameeyeen madaxda ugu sareysa dalka ilen waxa ay isla yihiin qaade iyo qariye oo waa ay iska war hayaan.
Sikastaba ha ahaatee shacabka ku nool caasimada ayaa ka niyad jabay maamulka haatan maamulaya gobolka banaadir iyagoo haatan lagayaabo iney sameeyaan bananbaxyo ay kaga soo horjeedaan madaxda caasimada.
Gudoomiye musuqa jooji si shacabka ay usoo celiyaan rajadii ay ka qabeen dib usoo nooleeta Magaalada Muqdisho