Maxaadna Ogeeyn oo ka Cusub Wasiiradda Xalay la Magacaabay

Reading Time: 3 minutes

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay buuxiyay xilalkii Wasiirada ee ka banaanaa Golihiisa Wasiirada, kuwaasoo qaarkood dhowr bilood banaanaa.

Wasiirada, Wasiiru dowlayaasha iyo Wasiir kuxigeenada la magacaabay ayaa gaarayay illaa 13 Wasiir, waxaa la sheegayaa in 12 ka mid ah ay yihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle oo horay xilkan u soo qabtay, ahaana Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Sacuudi Carabiya ayaa noqday ninka kaliya ee aan ku jirin Golaha Shacabka ama aan Xildhibaan aheyn.

Arrimaha kale ee ku cusub Golaha Wasiirada ayaa ah in markii u horeysay nin dhalinyaro ah loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, waxaa lagu tilmaamay inuu yahay Wasiirkii ugu da’da yaraa ee soo mara Wasaaraddaas.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muddo sanad iyo labo bilood ku yeelatay Saddex Wasiir, waana tan ugu hadal heynta badan, waxaana la qiyaasayaa inay inta dowladdan hada jirta ay dhowr Wasiir oo kale soo maraan, marka loo eego xilliga u harsan, waxaa la xusuustaa in dowladdii uu hoggaaminayay Xasan Sheekh saddexdii Ra’iisul Wasaare ee soo maray waxay soo magacaabeen saddex Wasiir Gaashaandhig.

Sidoo kale arrinta kale ee hadal heynta ah ayaa waxay tahay in xubnihii xalay la magacaabay aanay ku jirin qof dumar ah, tiiyo booskii banaanaa ee ay iska casishay Wasiir Maryan Qaasim loo magacaabay qof rag ah.

Xubnaha xalay la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo noqday qofka kaliya ee ka soo laabtay Wasiiradii Musharaxiinta noqday ee isu casilay Musharaxnimada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waana ninka kaliya ee inta booskiisa iska casilay oo ahaa Wasiiru dowle helay Wasiir buuxa, iyadoo la xusuusto inuu tanaasulay wareegii labaad ee doorashada, isagoo ahaa ninka 3aad ee ugu codka badnaa

Wasiirkii Howlaha Guud Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa noqday wasiirka kaliya ee la eryay, kaddib muddo 10 bilood oo xilkan uu hayay, waxaa la xusuustaa in lagu bedelay booskii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Howlaha Guud Cabaas Siraaji.

Ugu dambeyn waxaa Wasiiradii xalay la magacaabay ka dhex muuqda xubnihii hormuudka ka ahaa Mooshinkii laga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo aakhirkii dambe isku casilay qalalaasihii hareeyay Baarlamaanka.

Dad odorasa siyaasadda ayaa calaamad su’aal gelinaya la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ee xilligan, maadaama badankood ay yihiin Xildhibaano, waxaana tani ay dad badan soo xusuusineysa kaalintii Wasiiraddii Xildhibaanada ahaa ka qaateen ololihii Mooshinka looga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari, kuwaasoo ku dhowaad 40 xildhibaan ee saxiixay mooshinkaas ay ahaayeen Wasiiro.

Halkan hoose ka akhriso magacyada Wasiirada inta Xildhibaanada ah.

 

  1. Xamza Siciid Xamze oo loo magacaabay Wasiirka Gargaarka iyo ka hortagga Musiibooyinka, waa Xildhibaan,waxaana uu kursiga ka beddelay Maryan Qaasim oo Bishii November ee sanadkii hore iska casishay xilkaas.
  2. C/rashiid Maxamuud Xasan,waa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga Musoobiiyinka,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  3. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Aadan Isaaq Cali,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  4. Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  5. Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga, waa Wasiirka ugu da’da yare e wasaaraddan soo mara, waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  6. Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta,waxaa uu ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Sucuudiga,waana Ninka kaliya ee aan ku jirin Golaha shacabka Wasiirrada xalay la magacaabay.
  7. C/casiis Xasan Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, waxaa uu iska casilay wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,waxaa uu ahaa ninka 3aad ee ugu codka badnaa doorashadii guddoonka Golaha shacabka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.
  8. C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta,waa xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  9. Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha,waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.
  10. Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga,Waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.
  11. Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka,waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.
  12. C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta,waxa uu ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, waana xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.
  13. Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka, waa Xildhibaan ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya..

 

 

Sidoo kale

Maxaa cusub?.

  • 13; ka Wasiir ee la magacaabay kuma jiro Qof Haween ah,waxaana ay tani saameyn taban ku leedahay saamiga Siyaasadda Haweenka ee 30%.
  • Safaaradaha Soomaaliya ee banaan waxaa ay ahaayeen 12; Safaaradood hadda waxaa ay noqonayaan 13,waxaana ku biiraya Safaaradda Sucuudiga ee uu ka soo tagay Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka War faafinta.
  • Wasiirradii isu casilay rididda Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaa ka soo laabtay hal wasiir oo ah C/Casiis Lafta Gareen.
  • Wasiirkii Howlaha Guud Saadaq Cabdullahi Cabdi waa wasiirka kaliya ee la eryay,waxaa uu xilkan hayay 9; bilood oo kaliya,waxaa uu beddelay Cabaas Sheekh Siraaji oo 3dii May 2017 lagu dilay Muqdisho,waxaana hadda lagu beddelay C/Fitaax Geeyseey.
  • Wasaaradda Gaashaandhigga waxaa ay yeelatay Wasiirkii saddexaad muddo sanad iyo bil ah,waxaana ay tahay Wasaaradda ugu badan ee la isu beddelay Xukuumadda Kheyre.       

                XIGASHO:-JOWHAR.COM