Wasaaarada Arrimaha Gudaha XFS & NISA ayaa Heyadaha UN ka kala xaajooday lacagaha deeqda ah ee sida tooska loosiiyo dadka danyarta ah ee ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya,
Dowlada Soomaaliya ayaa marka hore shaki galisay in deeqda lacagta ah ee lasiiyo dadka danyarta ah oo ku nool kaamamka ku yaal gudaha dalka Soomaaliya iyadoo ku tilmaanto lacagahaas in ay suurta gal ay tahay ineey helaan kooxaha argagaxisada alshabaab sidaasi darteedna ay u arkaan Qatar amni oo hor leh,
Heyaddaha UN ka ayaa durbadiiba waydiiyay NISA side lagu hubin karo in deeqda ay gaarto dadka danyarta ah?
NISA iyadoo ay ka jawaabeyso Suaasha UNka ayaa usoo bandhigay Nidaamka Habraaca Shaqsiga iyadoo laga hubinayo diiwaanka Guud ee Amniga Qaranka ruuxa lasiinayo gargaarka , hadii uu hore uga mid ahaa alshabaab , daacish ama ka midyahay hada,
Arrintaasi UNka ayaa soo dhaweeyay balse xog dheeri kama hayaan sida loo qabanayo howlahaas,
Muqdisho Online oo dabagal ku sameeysay ayaa ogaatay in Dowlada Soomaaliya ay bilaabi doonto National ID kaaso qofkii qaato ka qeyb qaadan karo Doorashada Qaranka sida u qorsheysan Madaxweyne Farmaajo,
Xogta ay heshay Muqdisho Online ayaa tibaaxeysa dadka ugu horeeyo ee la diiwangalinayo waa dadka lacagaha tooska ka qaato Hey’adaha UN ka ah si loogu dhaadhiciyo lacagahaan waxa idin siinaya Dowlada Soomaaliya Bil walbana idinkama go’eeyso sidaasi darteed waa inaad Madaxweynaha u codeeysaan.
Dadka qaxootiga ah wax xog ah kama hayaan sida ay ku soo gaarto lacagahaas balse markii waqtiga usoo dhici jirtay lagaaro lana yiraahdo hadii aad rabto ineey kusii socoto lacagaha deeqda ah tag xafiiska NISA si laguu hubiyo,
Hubinta shaqsiga waxaay shaqeyneysaa 6 bil kaliye qof walbana waxaa waajiib ku noqoneyso markii uu dhameesto 6 bil inuu dib ugu soo noqdo Xafiiska Hubinta NISA si loo xaqiijiyo qofka inuu kamid noqday argagaxisada , arrintaas oo markale muwaadinka danyarta lagu xasuusinayo inuu doorto Madaxweyne Farmaajo marki doorashada lagaaro ,
Arrintaan oo Qatar ku ah Doorashooyinka qaranka mar hadii awooda dowlada iyo deeqaha UN ka lagu xisaabtamayo in lagu galo olole doorasho,
Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Madaxda Maamul goboleedyada xurta ah kama warqabaan dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Sirdoonka Soomaaliya iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS,
Muqdisho Online waxaay sido kale Xog hoose ku heshay in la magacaabi rabo Agaasimaha Hey’adda Diiwanka Qaranka oo shaqadiisu noqon doonto sameenta National ID , ee muwaadininta lasiin doono,
iyadoo la xasuusto dhawaan in Madaxweyne Farmaajo uu sheegtay Barnaamijka Baxnaano in ay Dowlada Soomaaliya dhaqalaheeda ka bixisay lacag 4 Milyan oo doolar, taaso xaqiiqda ka fog lana ogyahay dhaqalahaaas in ay ku deeqeen Deeq bixiyayaasha,
Madaxweynaha JFS ma goaansan karo inuu siduu doono u maamulo dhaqalaha dalka asagoo aanan helin cod golaha shacabka meel marintooda ama golaha wasiirada hadaba suaasha Meesha taal ayaa ah dhaqaalo aan golaha dowlada la marsiin siduu uGu dhawaaqi kara madaxweyne ma lacag asaga u gaar ah ayaa taalo qasnada dowlada?
UN ka waa ineeysan qeyb ka noqon ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo deeqdoodana sideeda ayku socoto ilaa uu dalka ka galaayo doorasho,