Warar dheeraad ah ayaa ka soo baaya Kullan madaxweynaha Puntland ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kullamo Xasaasi ah magaalada Garowe kula qaatay guddiyada qaabilsan dagaalka ay soo qaaday Somaliland.
Madaxweynaha Puntland wuxuu xalay la kulmay guddiyadda dagaalka qaabilsanaa, gaar ahaana guddiga Difaaca iyo Guddiga Taakuleynta ciidamada oo uu si gaar ah ugala hadlay arrimaha socda.
Wariyeyaasha oo aan wax xog ka helin kullankaasi,ayaa hadana baaritaan dheer aan sameynay waxaan ku ogaanay in ay guddiga u gudbiyeen Madaxweynaha warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda, maadaama uu Madaxweynuhu ku maqnaa safarkii Baydhabo.
Guddigu waxay si cad u sheegeen in dagaalkii dhacay 15-kii bishan iyo abaabulka socdaba masuuliyadiisa ay leedahay Somaliland, oo ay sheegeen in ay ka dambeysay weerarada Daan-daansiga iyo qaabka ay u doonayso in ay kula wareegto dhulka Puntland.
Guddigan waxay si cad banaanka u keenen in Shacabka iyo Dawladda Puntland aysan marnaba wada hadal ka galeyn gobalka Sool, balse ay ogol yihiin in ay Somaliland ciidamadeeda kula laabato deegaanadii ay ka yimaadeen oo ay sokeyso deegaanka OOG ee gobalka Togdheer.
Puntland waxay ku dhawaaqday May 19, 2018 waxay si cad ugu dhawaaqday dagaal daba dheeranayo, kaas oo ay ku difaacanayso deegaanadeda, sidaas oo kale Somaliland ayaa isla habeenimadii Sabtida cadeysay in ay diyaar u tahay dagaal kasta oo uga yimaada dhinaca Puntland.