Maxaadan Ogeyn oo ka Socda Hoteellada Muqdisho oo dhib weyn ku ah Doorashada.

Reading Time: < 1 minute

Warar aan fiicneyn ayaa durbaba bilowday kuwaas oo ah in ay xildhibaanada u sexeexayaan mushaarax kasta taas oo khalad ah. Xildhibanada waxaa laga rabaa inay u saxexaan hal xildhibaan oo kaliya, taas oo keneysa:

  1. In ay soo yaraadaan musharxiinta, taas oo guddiga u fudueyneysa inay degdeg wax la koontaroli karo ugu qabsoomaan.
  2. Inuu yaraado laaluushka haddiiba laga fursan waayo, taas oo keeneyso in hal musharax uu xildhibaanku ku ekaado oo usan 20 qof isga saxeexin.
  3. In xildhibaanada ay ganacsi ahaan u isticmaalaan codkooda.
  4. Inay doorashada sharafta ka qaado oo lagu sifeeyo inay tahay doorasho uu musuq maasuq hareeyey.

Haddaba si looga waantoobo arrintaas waxaan gudoonka barlamanka iyo guddiga isku dhafka ah ee doorasahada u soo jeedineynaa inay go’aan ka soo saaraan in xildhibaanku uusan u saxeexi Karin wax ka badan hal xildhibaan, taaso oo xataa guddiga iyo barlamanka u soo yareyneysa musharixiinta tartamayaa.

Arrinkaan waxaa uu hadda si xawli ah uga socdaa hoteellada Caasimadda. Saaka oo ay MOL booqatay dhowr hotel waxaa si xawli ah u socda in saxeexa xildhibaanada uu lacag waalan gaaray, taas oo runtii khalad ah doorashadana magaca ka dileysa.

MOL oo ka welwelsan Sharaf dhaca doorashada waxay shacbiga marqaati uga dhiganeysaa inay uga digtay guddiga doorashada iyo Gudoonka barlamanka oo ay hadhow si cad ugu marqaati furi doonto.

MOL ma jiro musharax ay si gaar ah u taagereyso oo ay si gaar ah u anasixineyso (Endorsement), si kastaa oo na loo dhaliilo musharax nalookugu riixo ama mid na loo kaga fogeeyo, dhinaca kale kama baqeyno inaan asxinno musharax aan u aragno inuu ugu wanaagsan yahay  tartamayaasha oo uu dalkaan badbaadin karo.