Warar badan oo la isla dhex marayo ayaa sheegaya in maalin dhow magaalada Dooxa ee Dalka na dhibay ee Qatar uu ka dhici doono kulan goonni goonni u soo dhacay oo uu ka qeyb gali doonaan Farmajo, Fahad iyo Kheyre.
Kulanka oo laga yaabo inuu qarsoodi noqdo marka laga reebo safarka madaxweynaha oo isaga la sii ogaado goorta u baxo, waxaasa qarsoodi halkaas ku tagi doona Xasan Cali Kheyre walow xalay ilaa shalay laga doodayey inaan la safrin oo lagu qabto kulan aaladda fogaan aragga ee Zoom, si dadka aan shaki loo gelin.
Dhowr jeer ayaa Kheyre lala hadalsiiyey Wasiirka awwooda badan ee Ariimaha Dibadda ee Ruushka Segey Lavrov, kaas oo u ballanqaaday Kheyre in Ruushka uu garab istaagi doono haddii uu ogolaado waxa ay ganacsatada Ruushka ka rabaan. Tan oo ah khater weyn oo dalkaan u iman doona.
Qatar iyo wakiilkeeda awooda furan ay siisay Fahad magacyo badan ayaa waxaa uu wadaa in haddii uu Farmajo socon waayo in Xasan kheyre loo wareego Qatarna ay ku qaanacdo arrinkaas, waxaana lala kaanashayaa hadda dalka Ruushka oo hadda meelo badan madaxda ku dhufanayo, kadib burburkii uu u geystay Ukrain oo la hubo inuusan wax badan a dambeyn doonin.
Kheyre intii uu Nayroobi joogay waxaa uu dhowr jeer la kulmay koox Ruush ah oo shidaalka ka ganacsato una ballan qaaday inay Qatar ay ka dhaadhicin doonaan inay taageerto ololihiisa madaxweynenimo haddii uu ogolaado waxa ay rabaan kooxda Ruushka ee shidaalka ka ganacsato.
Dhinaca kale, dad badani waxay qabaan haddii uu Xasan Cali Kheyre mar kale awoodda ku soo noqdo waxay keeni kartaa khater weyn oo kale ah:
- In hantida dalka gaar ahaan Kheyraadka iyo macdanaha waxaa la aaminsan yahay inuu Xaraasho gaar ahaan Betroolka.
- In dalka Ruushka uu isagana noqdo dal Somliya soo fara geliya kaas oo oo keeni karta inay si dedban u soo noqoto dhibaatadii halkaan na dhigtay ee Bari yo Galbeed seegga ahayd, Mareykanka iyo Beesha Caalamkana ay dagaal burburin ah nagu qaadaan.
- In heshiiyada uu Kheyro galo ay noqdaan kuwa ay adag tahay in laga baxo oo dhib badan laga maro.
Isku soo duub, Fahad ayaa hadda ka sii shaqeynaya in halkaas la isku arko oo wixii lagu heshiin karo la isla meeldhigo si uusan isaga saaxadda siyaasadda uga bixin, waana khatar kale oo soo socoto ee xildhinaada ha u diyaar noqdaan inay warkaan fahmaan kana qaataa go’aanka ku haboon.
Gabagabadii, Farmaajo haddii uu aqbalo arrinkaan waxaa sii buuxda u caddaan doonto inuu dalka Madaxweynenimadiis iyo dhammaan taladiisaba ay gacanta ugu galaan Fahad iyo Qatar,iyadoo dalkaan mar kale burbur hor leh uu soo wajihi doono.
Aan ku soo xerno qoraalkan, Farmajow haddii uu damiir kuugu haray dalkaan iyo ummadiisa u tur oo Xasan kheyre iyo Fahad ha ku taageerin burburka dalka adigana aysan kuu kordhin naceybka weyn ee hadda meelo badan ka muuqda.