Maxaad ogeeyn oo saakay ka socda Degmada Bulla-burde Ee Gobolka Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada amaanka ayaa Maanta waxaa ay baaritaano ka wadaan degmada Buullo Burde ee Gobalka Hiiraan.

Ujeedka Baaritaanka ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay sidii looga hortagi lahaa kooxaha inta badan falalka amni daro ee ka geysta  degmadaasi.

Dad Goobjoogayaal ayaa WARBAAHINTA u sheegay in Ciidamada ay baarayaan Gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoona  guudahaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada ay baaritaanada ka socdaan.

Saraakiisha ciidanka iyo Maamulka Degmada Buulo burde ayaa sheegaya in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixin doonaan arintaasi.

Shalay ayay aheyd markii qarax uu ka dhacay Bartamaha Degmada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!