Maxaad kala socotaa Xaaladda Laascaanood!!

Reading Time: < 1 minute

Ammaanka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa todobaaddadii ugu dambeeyey sii xumaanayey waxaana ka dhacay dilal qorshaysan oo lagula kacay ganacsato reer Sool ah oo qaarkood loo aanaynayo dilkooda arrimo la xiriira fekerkooda Soomaalinimo.

Kooxo hubaysan ayaa ilaa saddex ganacsade oo caan ah ku diley Laascaanood muddo labo bilood ah mana jirto ilaa hadda cid xukuumadda Soomaaliland ay dilalkooda u soo qabatay, waxaana beelaha qaar ay dilalkaasi ku eedeeyeen xukuumadda Soomaaliland.

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka ayaa ku eedeeyey xukuumadda Muuse Biixi hogaamiyo ee Soomaaliland inay ammaanka gobolka sii xumaysay ayna ugaarsi ku hayso shaqsiyaad aaminsan midnimada Soomaaliya kana soo horjeeda mowqifka Soomaaliland.

Waxaa muddo dhowr jeer ah fashil ku soo dhammaaday shirar u dhexeeyey wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolka Sool iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyadoona kulamada qaar waxgaradka iyo masuuliyiintu xanaaq ku kala dareereen.

Dhanka kalena, shacabka Soomaaliland ayaa waxa ay walaac xoogan ka muujinayaan baaqasho ku imaan kadha sanadkaani xuska madax banaanimada Soomaaliland ee 18 May oo 7 maalmood oo qur ah ay inaga xigaan, waxaana kamid ah meelaha aan laga dareemin diyaar garawga kamid ah magaalada Burco.