Sida ay ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada JFS ay u xaqiijiyeen MOL, waxa bilowga sanadka cusub ee 2019 ay qorsheyneysaa dowladda Soomaaliya in dagaal toos ah iyo mid sharci ahba lagu qaadi doono siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Siyaasiyiinta la bartilmaansanayo ayaa waxaa loo diyaariyay dacwado ka dhan ah oo aay si wadajir ah uga shaqeynayaan garyaqaanno ka tirsan xukuumadda iyo Madaxtooyada iyo Xeer ilaaliyaha qaranka.
MOL uma suurta gelin in aan helno magacyada ragga la bartilmaansanayo balse waxaa la xaqiijiyay in qalalaasaha siyaasadda dowladda federaalka iyo mucaaradka uu cirka isku sii shareeri doono sanadka cusub.
Waxaa sidoo kale ay xogta sheegeysa in uu qorshaha ku jiro in lakala jebiyo mucaaradka iyadoo qaar ka mid ah xilal loo magacaabi dooni.
Heshiiska lala galay Gud. Baarlabaanka Maxamed Mursal aya ahaa in xilal loo magacaabi doono xildhibaanada mucaaradka ah kuwooda ugu afka dheer uguna awoodda badan.