Maxaad kala socotaa Khilaafka Madaxwaynaha iyo Raiisul Wasaaraha soo kala dhex galay,?

Reading Time: < 1 minute

Khilaaf xooggan oo gaaray heerkiisii ugu sareeyay ayaa soo kala dhex galay Madaxwayne Maxamad C/laahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Khilaafkan oo ka dhashay Talaabadii ay Dowladda Somaliga ugu wareejisay C/kariin Qalbidhagax Maamulka Addis Ababa ayaa gaaray heer aysan Labada Masuul hadda u dhaxayn wax wada shaqayn ah, isla markaana ku kala tageen Hanjabaad.

Madaxwayne Farmaajo ayaa u yeeray Xalay Raiisul Wasaare Khayre kana dalbaday inuu iscasilo, maadaama ay ku dhaceen Qalad wayn oo ka hor keenay Shacabkii Soomaaliyeed, kadib markii Muwaadin Soomaali ah loo gacan galiyay Itoobiya, Waxaana Khayre oo arrintan ka carooday uu u sheegay Madaxwaynaha inuu isagu Dalka ugu sareeyo, arrintana uu aqbalay, sidaas darteedna ay tahay inuu isagu is casilo, Waxayna soo kala tageen Labada Masuul iyagoo mid kastaa kan kale uu eedeeyn iyo Masuuliyad Darro dusha ka saaray.

Ololihii ugu balaarnaa ayaa ka socda Xafiisyadda Madaxwaynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo mid kastaa uu doonayo inuu iska tiro arrinta Muwaadinka Soomaaliga ah loo gacan galiyay Itoobiya, Waxay sidoo kale ku fashilmeen inay Eedda arrintan dusha ka saareen Sanbaloolshe oo ku hanjabay inuu soo bandhigayo Xogta Saxda ah haddii isaga kaligiis ceebta looga siibto, taasoo sii kordhisay Qalqalka ka jira Xafiisyadda Dowladda.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si wayn uga carooday Tallaabadda ay Dowladda Somalia ugu gacan galisay Itoobiya Muwaadin C/kariin Qalbidhagax. Waxaana Maanta ka dhacay Muqdisho Dibadbaxyo looga soo horjeedo arrintaasi.

Dowladda Somalia illaa iyo hadda kama aysan soo saarin Wax War ah arrintan, balse Dowladda Itoobiya oo loo gacan galiyay C/kariin Qalbidhagax ayaa uga mahadcelisay Madaxda Dowladda siday ugu wareejiyeen Qalbidhagax oo ay ku tilmaameen Argagixiso, iyadoo waliba Itoobiyaanku ay qaybinayaan Sawiradda C/kariin oo ay muuqato in la jirdilay, isagoo fadhin la’a Kursi.