Maxaad kala socotaa heshiiska uu Farmajo lagalayo dowladda Kenya (Xog Muhiim ah)

Reading Time: 2 minutes

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aya MOL u xaqiijiyay in uu socda qorshe uu MW Farmajo kula heshiinayo dowladda Kenya isla markaana dib loogu dhigaayo dacwada badda ee kala dhexeysa Soomaaliya.

MW Farmajo aya waxaa uu arrintan u wakiishay Fahad Yasin iyo Axmed Dheere oo ah qareen Somali-Kenyan ah isla markaana ah shaqsiga haya hantida MW Farmaajo.

Axmed Dheere aya in dhaweydba ka dhex shaqeynayay sidii la isugu soo dhaweeyo Farmaajo iyo dowladda Kenya wuxuuna uga danbeyntii ku qanciyay Farmaajo in uu qaato heshiis iyadoo loo sheegay Farmaajo in dowladda Kenya ay sir badan ka hayso isla markaana ay suurto gal tahay in uu waayo hantida uu ku leeyahay Kenya.

Waxaa sidoo kale si uu soo celiyo xiriirkii uu la lahaa Fahad Yasin uu ku qanciyay dowladda Qatar in la joojin doono dacwada Badda isla markaana ay dhawaan arki doonaan xal laga gaaray khilaafka u dhexeeya labada dal.

Sida ay xogta ku heshay MOL si ay usuurto gasho arrintan waxaa dib loogu yeeri doonaa inta uu Fahad Yasin joogo magaalada Nairobi safiirka Somalia u fadhiya Kenya Maxamed Nur Tarsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaanan waxba kala socon qorshahaan, waxaana uu Farmaajo go’aansaday in uu u xilsaarto rag ay isku heyb yihiin oo uu kalsooni badan ku qabo.

Dad badan baa su’aalo ka keeni doona marka ay akhriyaan maqaalkan, balse MOL waxay idiin ballan qaadeysa in sida uu u qoran yahay ay wax u dhici doonaan.

Shaqsiyaadka uu Farmaajo u xilsaartay joojinta dacwada Somalia iyo Kenya waxaa ay kala yihiin.

  1. Axmed Adan Dheer (Mariixaan – Somali Kenyan)
  2. Fahad Yasin Dahir (T/X NISA – Milkiilaha Farmajo)
  3. Balal Cusmaan (Mariixaan – La taliye MW Farmaajo)
  4. Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal (Mariixaan W/X Batroolka)
  5. Cabdishakur Cali Mire Gaal Eri (Mariixaan – Xildhibaan)

 

 

 

 

 

Shaqsiyaadka uu wakiishay Farmaajo aya lagu wadaa in maalmaha soo socda ay u kicitimaan magaalada Nairobi si loosoo afjaro kiiska dacwada Badda.

MOL waxa ay idinla wadaagi doontaa wixii kusoo kordha arrintan.