Mas’uuliyiin ka socday Kenya iyo Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi Bari, shirkan ayaa looga hadlay xiisada ka taagan Beledxaawo ee ka dhalatay darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda.
Labada dhinac ayaa isku afgartay in la soo celiyo degenaanshihii, isla markaana la joojiyo darbiga Kenya dhiseyso, inta xal laga gaarayo tabashooyinka ay qabaan dadka reer Beledxaawo.
Isku duwaha ammaanka Gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay in la dhameeyay arrimihii ka dhashay xiisada, isla markaana wax kasta laga heshiiyay, isagoo ugu baaqay shacabka Mandhera iyo Beledxaawo inay soo celiyaan walaaltinimadii iyo xiriirkii ka dhaxeeyay.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed ayaa sheegay in shirkii dhacay uu ku soo dhamaaday is afgarad, isla markaana uu xigi doono shir kale oo ay yeelan doonaan Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya.
Xiisada ka taagneyd Beledxaawo ayaa cirka isku shareertay, markii gawaari cagaf cagaf ay leeyihiin Kenya ay burburiyeen guryo ku yaalla xaafado ka tirsan Beledxaawo, halkaasoo godod laga qoday.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maalmo ka hor dhex maray wada hadal khadka taleefanka, waxaana xiisada ka taagan xuduuda u saareen guddi, isla markaana isku afgartay in la hakiyo dhismaha darbiga ee ay xiisada ka dhalatay