Maxaad kala socota heshiiska Dalaaliinta beesha Abgaal iyo Farmaajo?

Reading Time: 2 minutes

Shir ay soo qaban qaabiyeen dalaaliinta beesha Abgaal aya la gaaray heshiis KMG MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, heshiiskaas oo ku saabsan go’doonka saaran magaalada Muqdisho sida ay hadalka u dhigeen.

Heshiiskaan oo aan ku imaanin rabitaanka dowladda balse la sheegay in uu ku yimid cadaadis la saaray ayaa lagu gaaray Madaxtooyada Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Dalaalka Beesha Muduleed ee RW Kheyre Maxamed Abukar Islow Ducaale.

Malaaqa beelaha Abgaal iyo odayaal kale oo ka socday waxgaradka gobalka Banaadir ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Villa Somalia todobaadkaan waxeyna Madaxweynaha ku wargeliyeen in aysan mas’uul ka aheyn go’aan kasta oo ay qaataan dadka daga gobalka Banaadir intaan ka badanna aysan hortaagnaan karin cabashada dadweynaha

Goobta uu shirkaan ka dhacay waxaa ku sugnaa Wasiirka amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo siyaasiga Salaad Cali Jeelle kuwaas oo dhamaantood Madaxweynaha ku wargeliyay culeeska ka heesta ukala gar qaadidda dowladda iyo odayaasha. Balse ujeedka guud uu yahay oo kaliya cabsi geliya Farmaajo si aad lacag uga qaadataan.

“Mudane Madaxweyne aniga mas’uul kama ahi mana kaa hortaagnaan karo odayaasha iyo shacabka gobalka Banaadir oo ku dhow in ay qarxaan caburin aawgeed” ayuu yiri kusimaha iimaam beelaha Abgaal.

MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Imaamka iyo dadkii la socday ka dalbaday in dowladda loo sugo ilaa 1-da Luulyo ama todobaadka xorriyadda kadibna ay dowladda Soomaaliya furi doonto wadooyinka gobalka Banaadir.

Odayaasha ayaa aqbalay balse waxaa jira warar kale oo sheegaya in aysan xaqiiq aheyn hadalka Madaxweynaha ee uu doonayo in uu ku dejiyo Imaamka iyo dadka la socda.

Waddooyinka magaalada Muqdisho uma xirna Farmaajo, waxaana xirtay waa RW Kheyre mana furi karo haddii ay dhacdo in uu rabo in uu furo.