Xarunta Ilaalinta Canshuuraha waxa ay kasoo horjeedaa Dekedda Muqdisho, waxaana ku howlgala Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya oo la tababaray qaadista, dabagalka iyo la socodka Canshuuraha.
Si maalinle ah waxaa uga howlgala saraakiil iyo askar katirsan laantaas, indhahooda waxa ay u jeedaan marsada Muqdisho oo kasoo horjeedda, xubno katirsan laanta ayaa xarun kale ku leh isla gudaha dekedda.
Waxa ay Canshuuraan Badeecadaha kasoo dega Dekedda, kuwa laga rarayo iyo Gaadiidka xamuulka qaada qudhooda, iyaga oo siiya warqad muujineysa in laga jaray canshuurta ku waajibta badeeda iyo Gaadiidka.
Xarunta ayaa aad loo adkeeyay dhismo ahaan, waxaana la jaray jidadkii dhexmari jiray ee dhanka Xaafadaha Degmada Xamar jajab ka imaanayay, dhagaxaan iyo biro la furayo ayaa lagu wareejiyay.
Weerar ismiidaamin loo adeegsaday oo lagu qaaday Xarunta Ilaalinta Canshuuraha.
Baraha loo cayimay in laga galo waxaa la dhigay Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya, marka la gaaro Maqribka 6:00AM waxa ay xiraan wadada hormarta Marsada Muqdisho oo ay dhigaan dhagaxaan.
Dhismo ahaan waa ay weyn kooban tahay Xarunta ilaalada Canshuuraha, balse xeendaabka lagu wareejiyay ayaa ballaariyay oo ka dhigay dhul baaxad weyn, maadaama jidadkii dhexmarayay loo xiray.
Waxaa ay u dhaxeysaa labada Buundo Jidadka kasoo baxa ku kala dhamaada Sayidka iyo Dabka, waana dhismo jidadka hormara muhiim u ah isu socodka Xaafadaha isku xira Buundooyinkaas.
Loomo ogolo in Gawaarida la dhigto agagaarka dhismaha Xarunta, maadaama aad loo adkeeyo, Ciidamada ayaa diidaya in Wadayaasha soo mara baarista iyo kuwa ay wataan saraakiisha iyo howlwadeenada.