Siyaasadda mareykanka ee soomaaliya laga Soo bilaabo 1960 waxay ku xirnayd midda ay la leedahay Ethiopia. 1960 Soomaaliya Markii ay weydiisatay kaalmo dowladda Mareykanka Albaabka ayaa laga xirtay ilaa ay soomaaliya xiriir la yeelato wadankii Midowga Sofyeeti.
Kacaanka Ethiopia ee 1974 Waxaa Ethiopia la wareegtay wadankii Midowga Soviet. Mareykanka ayaa bilaabay in uu Soomaaliya si dadban u geliyo dagaal ay la gasho Itoobiya, waxaana taa ka dhashay dagaalkii 77 oo ah halka ay Soomaaliya eedday.
Wixii ka danbeeyay dagaalkii 1977, waxaa Soomaaliya ka bilowday jabhado mucaar ku aha dowladdii kaligii taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, ilaa sanadkii 1979 uu dhacay afgambi fashalmay.
Sannadkii 1991 Ethiopia waxaa qabsaday jabhaddii TPLF oo hoggaanka u hayay Melez Zanawi. Waxaa Soomaaliya markaa xukunka xoog looga tuuray taliskii Maxamed Siyaad Barre, waxaana ka bilowday dagaal u dhexeeya beelo isku haysta xukunka iyadoo markaa wadanka ay ka dilaacday abaartii 1992, taasoo keentay in Mareykanka u soo diro ciidan ka badan 25 kun kuwaasoo loo keenay waxa uu Mareykanka ugu yeeray (Restore Hope) ama soo celinta Rajada Soomaaliya.
Haddaba maxay tahay danta uu Mareykan ka leeyahay Soomaaliya?
Waa su’aal inta badan siyaasiyiinta maanta jirtaa aanay fahamsaneyn yoolka rasimiga ah ee Mareykan ka leeyahay Soomaaliya, balse inta aanan jawaabta gelin, bal aan is weydiino su’aal kale oo ah
Waa maxay sababta uu Mareykan mar walbo u wakiishto Itoobiya marka ay timaado danaha uu ka leeyahay Soomaaliya?
Danaha Mareykanka ee Soomaaliya ma aha kuwo la soo koobi karo, balse marxalada maanta lagu jiro waxaa ugu muhiimsan
1. Dagaal Juqraafiyeedka jira, kaasoo u dhexeeyay wadamada, Mareykanka, Sucuudiga, Imaaraadka, Israa’il oo isku dhinac ah iyo
2. Wadadamada Turkiga, Shiinaha, Qatar, Iiraan iyo Ruushka oo isku dhinac ah.
Mareykanka iyo xulafadiisa waxaa ka go’an in aanay marnaba awood ciidan iyo mid dhaqaale aanay ku yeelan gacanka cadmeed Turkiga, Shiinaha, iyo Ruushka. Si ay taas u dhacdana Mareykanka aya abaabulay afgambi dahsoon oo xukunka Itoobiya lagaga tuuray Tigreeda maadaama ay xiriir dhaqaale la yeesheen Shiinaha.
Mareykanka ayaa hoosta ka abaabulay kacdoon socday 22 bilood oo ay ku mudaaharadayeen qowmiyadda Oromoda, ilaa markii danbe uu Mareykanka ku cadaadiyay RW Hore ee Itoobiya Xayle Maryama in uu is casilo.
Iscasilaadaas kaddib Mareykanka wuxuu ku guuleystay isagoo isku qarinaaya daaha gadaashiisa in uu RW ka dhigo Abiye Axmed oo ahaa sarkaal sirdoon oo aay Mareykanka iyo Israa’iil tababarayeen muddo ka badan 12 sanadood.
Haddii aan dib ugu laabto su’aashii hore “maxay tahay danta uu Mareykan ka leeyahay Soomaaliya?”
Dowladda Mareykanka waxaa wax walba uga horreeya danteeda, inta ay hiigsaneyso oo aanay arkin caqabad ka hortaagan waxay taageereysa wax walba oo u fududeynaya in ay gaarto danta markaa ay leedahay. Waxaa jira dad badan oo isweydiinaya “Muxuu Mareykanka uga hadli waayay xasuuqii Baydhabo ay ka geysteen ciidamada Itoobiya?” Xusuusnow Mareykana wuxuu wakiishay Itoobiya si uu u gaaro danaha uu ka leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaal Juqraafiyeedka ka socda geeska Afrika iyo isdhexgalka lagu xoojinaayo danaha Mareykanka ee loo soo dhiibay RW Itoobiya Abiye Axmed.
Sida kaliya ee uu Mareykanka uga hadlayo tacadiyada noocan ee dhacay Baydhabo waa marka la tuso falal liddi ku ah danahiisa uu markaa leeyahay. Haddaba haddii aanay siyaasiyiinta Soomaalida ah iyo Baarlabaanka JFS aanay qaadin falal lid ku ah isdhexgalka seddexda dal ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteriya isla markaana aanu Baarlabaanka soo saarin:
1. Qaraar in uu yahay heshiiska Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya in uu yahay mid sharci darro ah.
2. Ama aan la abaabulin mudaaharaadyo looga soo horjeedo siyaasadda Itoobiya ay wakiilka uga tahay Mareykanka, iyo xasuuqa ka dhacay Baydhabo
Haddii labadaa midkood ay dhacdo waxaa ay fursad siineysaa wadamada beesha caalamka ee diidan siyaasadda Mareykanka ee hormuudka u yahay safiirkooda Soomaaliya Donald Yamamota.
Waxaa jira su’aalo u baahan in la is weydiiyo? Maxay ku dhacday in uu safiirka Mareykanka soo saaro qoraal uu ku sheegay in Soomaaliya ay dowladda Mareykanka siin doonto $900 milyan oo doollar, maxaase keenay in markii ugu horreysay uu Mareykanka sheego in uu dayac tiraayo dekedda iyo garoonka diyaaradaha oo qandaraas ay ku haysato shirkado laga leeyahay Turkiga? Halkaa waxaa ku cad in marka uu dhamaado qandaraaska shirkadaha Turkiga a dhammaad bisha Maarso ee 2019. In aanan loo cusbooneysiin doonin oo halkaa ay ka bilaaban doonto loolan weyn oo u dhexeeya Mareykanka & Turkiga.
Shacabka Soomaaliyeed ma nebca Mareykanka balse waxay diidan yihiin siyaasaddiisa uu mar walba u wakiisho dowladda Itoobiya oo ay colaad soo jireen ah kala dhexeyso ummadda Soomaaliyeed. Shacabkana marnaba ma aqbali doono in la hoos geeyo Itoobiya.