Maxaad ka ogtahay heshiiska dhex maray Shabab & Dowladda? (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Wada hadalo maalmahii ugu danbeeyay u socdey Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa waxaa dhanka dowladda u matalaayey Fahad Yasin, dhinaca shabaabkana waxaa matalaayey Macalin Xaashi iyo Aadan Coobe.

Sida aan xogta ku heleyno waxaa lagu heshiiyey in shabaabku ay si ku meel gaar ah u joojiyaan qaraxyadda ka dhaca magaalada Muqdisho bisha Ramadan, waxaase heshiiska ku jira in la qarxin karo lana weerari karo ciidamada shisheeyaha ah sida AMISOM.

Waxaa kale oo lagu heshiiyey in Al-shabaab loo fududeeyo cashuurta ay dhawaan ku soo rogeen ganacsatada wax kasoo dejisa furdada ama dekeda xamar ee ah halkii metric ton in ay ka qaataan $12.7 oo dollarka mareykan ka ah.

Waxaa jirey dadaal gaar ah oo ay wadeen dowladda Eritrea, lana doonayey in shabaabka iyo dowladda la wada hadashiiyo si aan toos aheyn oo ay Eritrea u kala dabqaado ilaa iyo inta isfaham buuxa laga helaayo.

Waxaa iyadana socdey dadaal kale oo ay wadey dowladda Qatar oo la doonayey in heshiis buuxa la dhex dhigo dowladda iyo Shabab, la isuguna geeyo magaalada DOHA caasimadda qatar balse sida aan xogta ku helnay dowladda Qatar ayaa ka gaabsatay kaddib markii ay ka warheleen wadamada Ingiriiska & Mareykanka.

Fahad Yasin ayaa shalay gelinkii danbe ka dagay magaalada Nairobi waxaana halkaa ugu yeeray sirdoonka dalka Kenya si uu kaalin uga geysto sidii Shabab ay u soo celin lahayd dad badan oo ay ka afduubatay gudaha dalka Kenya. Dowladda Kenya ayaa ka warheysa xiriirka u dhexeeya Fahad & Shabab balse waxay daneyneysaa sidii looga soo furi lahaa dadka ay heystaan. Fahad ayaa isagana daneynaya in dowladda kenya ay joojiso dacwadda ka dhanka kaddib markii uu ka been sheegay qaadashada dhalashada Kenya

Sida ay xogta sheegeyso Fahad Yasin aya ballan qaaday in uu lacag dhac $2 million oo doolar oo ah xurmad iyo xaqdhowr Shabab la siin doono inta aanay dhamaan bisha Ramadan, waxaana ugu muhiimsan ee lagu heshiiyey waxay aheyd in dowladda iyo shabaabku wada shaqeyn dhow ay yeeshaan, waxaa kaloo lagu heshiiyey qaabka doorashiiinka Madaxtinino ee 2021 oo ay golaha wasiiradda u codeyn doonaan goor dhow.