Maxaabiista ku xiran xabsiga Garowe oo dhibaato ba’an lasoo daaristay

Reading Time: < 1 minute
Maxaabiista ku xiran xabsiga  Dhexe Garowe ee dowlad Goboleedka Puntland oo dhibaato badan la soo daristay.
Adeegii Korontada iyo cuntada ee xabsiga Garoowe ayaa gabi’aanba go’an, Waxaana maxaabiista halkaa ku xiran heysata xaalad adag oo keeni karta in qaar kamida maxaabiista geeriyodaan.
Dhanka kale waxaa iyadana gabaabsi ah biyuhu, sida lagu sheegay warbixin kooban oo uu qoray Guddoomiyaha xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland Siciid Cabdi Muumin oo xabsiga booqday. Warsaxaafadeedka Xafiiska ayaa u qoraa sida hoose.
Iyaga oo ka warhelay xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista Garowe ayaa Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha Puntland iyo Hawl-wadeenno ka socda xafiiska oo kormeer ku tegey Taliska Dhexe ee Ciidanka Asluubta iyo Xabsiga dhexe ee Garoowe.
Difaacaha iyo Hawl-wadeennada Xafiiska waxay kulan la yeesheen Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland, Xubno ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Asluubta iyo Sariikiisha xabsiga dhexe ee Garoowe. Waxayna ka warbixiyeen xaaladda maxaabiista iyo maamulka xabsiyada.
Maamulka xabsiga Garoowe ayaa ka warbixiyey xaaladda xabsiga iyo maxaabiista ku xiran, waxayna sheegeen in aanay helin bilooyinki u damabeeyay miisaaniyadda quudinta Maxaabista iyo Xuquuqda kale ee Ciidanka Asluubta. Waxaana go’an Korantada iyo biyaha xabsiga oo gabaabsi ah.
Kooxda Kormeerka ee XDXAP waxay sidoo kale waraysiyo la yeesheen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Garoowe, oo ka warbixiyey duruufaha adag ee ay ku sugan yihiin sida;- Caafimaad darro, Nafaqa darro, Koronto la’aan iyo Adeegyada kale ee aasaasiga ah.