Maxaabiis ka baxsatay xabsiga Laascaanood, ka dib dagaal halkaa ka dhacay

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan warar aan wali la xaqiijinin, Maxaabiistii ku xirneyd xabsiga weyn ee caasimadda gobalka Sool ee Laascaanood ayaa baxsaday, kaddib dagaal kooban oo ka dhacay gudaha xabsiga.

Ciidanka ilaalada xabsiga iyo Maxaabiista ayaa isku dhacay goor-dhaweyd iyadoo maxaabiista ay u suuragashay inay gacanta ku dhigaan qaar kamid ah qoryihii ay wateen Askarta, sidoo kalena ay xabad uga saaraan ciidamada gudaha xabsiga.

Ilaa hal askari oo kamid ah Askarta Somaliland ee ku sugnaa xabsiga ayaa ku dhaawacmay dagaalka maxaabiista iyo ciidamada, waxaana gebi ahaanba kasoo baxay xabsiga dadkii ku xirnaa kaddib gurmad ay u fidiyeen shacabka Laascaanood.

Xaalada guud ee Laascaanood ayaa maanta ah mid degan, waxaana banaanka magaalada iyo hareeraha waddooyinka taagan shacabka si ay u soo dhaweeyaan Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah hoggaamiyaha dhaqank goballada SSC, kaas oo muddo 15 sano ah aan tagin Laascaanood.