Maxaa Xiligan Kusoo Beegay Hanjabaada Al Shabaab Ee Daladaha Waxbarasho Ee Dalka

Reading Time: < 1 minute

Xarakada Al-Shabaab ayaa digniin culus u diray Dalladaha Waxbarashada ee dalka, iyagoo ku eedeeyay inay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa uga digay goobaha waxbarashada inay iska ilaaliyaan inay xiriir la sameeyaan dowladda Federaalka.

Waxaa uu sheegay inay ka war hayaan in manhajka cusub ee Waxabarshada ee dhowaan dowladda soo bandhigtay, kaasoo uu xusay inay ka hor imaaneyso Diinta Islaamka.

Cali Dheere ayaa sheegay in Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada ee UNESCO ay faafineyso manhaj Waxbarasho oo khaldan, kaasoo ka ka hor imaanaya Diinta Islaamka, isagoo caddeeyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan dowladda la wareegto Iskuul, isla markaana la soo bandhigay Manhaj Waxbarasho oo ka bilaabanaya Dugsiyada Hoose illaa Dhexe.

Digniinta ugu Dambeeysay ee Dhinaca wax barashadda ee Al-shabaab waxay ku soo aadeysaaa iyadoo Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya ay horumar ka sameysay Nidaaminta manaahijta waxbarashadda ee lagu dhigo Dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare.

Dalladaha Waxbarashadda oo muddo fog iyo xilligaan la joogaba tiir muhiim ah u ah Waxbarashadda Soomaaliya ayaa Dowladda kala shaqeeyay Hagaajinta Waxbarashadda Dalka.

Go’aanka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa u Muuqda mid lagu curyaaminayo waxbarashada maadaama ay u muuqatay inay dalka ka hirgeli rabto waxbarasho tayo leh oo keeni karto inay dadka fahmaan Qorshayaasha ka baxsan Diinta Islaamka oo ay Kooxdaan ka waddo Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Dhawaan Dowladda Soomaliya ayaa la wareegtay qaar ka tirsan Iskuuladii Dowladda laheyd ee Caasimadda ku yaalay oo gaarayo ilaa 24 Iskuul, iyadoo ilaa 13 kun oo arday loo diyaarinayo inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, waana qeyb kamid ah sababta keentay hadalka Al-Shabaab.

Ma jiraan Weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda Dalladaha waxbarashada ee ka howgala Dalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!