Maxaa u Haray Somaliya oo ay Sugeysaa oo aan ka ahayn in uu Dalka Dumo Gebi ahaan.?

Reading Time: 2 minutes

Habeen walba qofbaa la dilaa ciidamada ammaanka ayaa goobta soo gaara falka dib, waxay bilaabaan baaris, mana jirto wax natiijo ah oo ka soo noqotaa, mararka qaar qof ama koox ayaa la sheegaa in loo soo qabtay, hasa yeshee ma dhacdo caddaallad uu helaa dhibanaha, waayo caddaaladaas waxay saameyneysaa ciddii falkaan geysatay oo ah cid la ogaa markii horaba.

Haddii kuwa iyagoo iska taagan toogasho bareer ah lagu dilayo, haddii kuwa (haween)  iyagoo shaqeynaya inta la qaato wixii la rabo lagu sameynayo oo aan meydookooda la arkeyn, haddii kuwa si toos ah loo weerarayo, haddii kuwa inta la jarjaro badda lagu tuurayo sida wiilkan maanta oo la leeyahay badda laga soo saaray meydikiisa, haddii madaxdweynayaashii hore ee dalka la weerarayo, haddii mucaaridka la weerarayo, haddii degaanno dhan dhab lagu shidayo  sida Gado iyo Balatweyn, haddii dowlad-Goboleeyadaka ka khaladka diidaa la rabo in mid kalelaga dhex sameeyo sida ilma Diyaano, haddii barlamanka dalka sida XHKS liis loo soo sameystay si loogu sharciyeysto wax kasta oo la rabo oo sharcidarro ah, ma fahmi karro halka uu dalkaan ku socdo haddii aysan burbur ah iyo dumis naxdin leh ahayn.

Amaanka waxaa fowdeynaya ciddii amaanka u xilsaarneyn, taasina waa tan hadda keeneysa in habeen walba shakhsiyaad Masaakiin ah lagu dilo Xamar. Doorashadii waa tan boob iyo xoog ah oo ciddii la doono oo dembiile ama tuhmane ah la soo saaranayo si ay u noqoto dcid wixii loo sheegaa fulisa haddii kale falalkii lala ogaa lagu rogo loogana baxo ciqaabta iyo xanuunka.

Waxaa kale oo aan la ogeyn dhibaatada naxdinta leh ee ka soo socotaa  arrinta dhaqaalaha oo dalka, waayo dadku ma oga in dalka aysan lacag acaddaan ah oollin oo dibadsaha la geystay doolarkii dalka iyo kii shacbiga  oo waxaa wax lagu kala gataa waa numbarro oo haddii serverka la dansado wax lacag ah oo aad haysato ma leh waxna ma gadan kartid, lacag lama soo bixi kartid, halkaasna waxaa ku dhamaatay noloshaada oo waxa kaliya ee haray waxay noqon doonaan in la is booboo oo kii xoog badan uu qaato waxa yar ee dalka yaalla ee hadda numbarada lagu kala gato.

Haddaba cid kasta oo maanta Farmajo iyo kooxdiisa ku sugeysa goobtaas diyaar ha u noqoto dhacdooyin xanuun badan oo laga shallayn doono, taas oo aan dhaafeyn faqiir iyo taajir, madax iyo majo, culimo iyo caamo, caruur iyo ciroole iyo cid kasta oo dalka joogto.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!