Waxaa muuqata inuu jiro qorshe qarsoon oo dalka la rabo in lagu wiiqo dadaalka ay dowladda iyo Shacbiga ugu jiraan inay mar uun iska xoreeyaan Alshabaab. Wiilal ayaa dagaalka ku dhimanaya, reero ayaa ku barakacaya oo ceelsha iyo hantida laga gubayaa, waxaa meelaha qaar ka socda ciqaab weyn oo ay alshabaab ku hayaan shacbiga, gaar ahaan dhulka gacantooda ku sii jira oo ay hubaan in loogu iman doono, laagana xoreyn doono dhowaan, In shaa Allaah.
Haddaba iyadoo hawshaa adag ay socoto oo shacbiga uu jeedsaday in Shabaab lala dagaalo oo la iska xureeyoo ayaa waxaa muuqata in loogu talagalay in la abuuro fadqallao iyo shaki lagu wiiqayo dadaalka dowladda Somaliyeed iyo shacbiga oo hadda gacmaha isqabsaday.
Shabaab dagaalka waxaa uu uga socdaa:
1. Dhinaca ciidanka iyo awoodda oo waxaa lagu hayaa weerraro har iyo habeen ah, waana naf la caari hoteellada iyo goobaha shacbiga inay qarxiyaan maciin mudaya.
2. Dhinaca dhaqaalaha oo lalaga dagaalay, waxaana laga joojiyey canshuurihii ay dadka iyo ganacsatada ka qaadi jireen, waxayn boqolkiiba 80-90 hoos u riday awooddooda dhaqaale.
3. Dhinaca diinta iyo caqiida oo dagaal xoog leh looga furay kadib markii culimada aan shabaabka ahayn ay si cad ummadda ugu xaqiijiyeen inaysan shabaab marna diin shaqo ku lahayn ee ay yihiin burcad diinta ka dhiganaya jid ay xukun xanuun badan ku gaaraan hadhow na ummadda ugu ciqaabaan waxaa raacdeen dowlad ridda ah idinkana riddaa tihiin.
Hasa yeeshee, waxaa su’aal weyn ka dhalatay oo ay bushada Somaliyeed is weydiinayaan sababta sharcigaan Jinsiga ee umadda Somaliyeed u wado meel khater ah loogu soo beegay xelligaan?
Sharcigaan wuxuu waddada u xaarayaa arrimhan soo socda, waan akhater weyn oo mar haddii la dhaqangeliyo halaag iyo cuquba Allah aan laga baxsan doonin:
1. In reerka lagu dumiyo oo la yiraahdo aabaha reerka waxaa uu kufsaday xaaskiisa oo ahaa aabahaa adiga ku dhalay loo xero sidaas.
2. Labadii is rabtaa waa isla seexan karaan haddii aaney is khasabeyn sida laba rag ama laba haween ama haween iyo rag, dembina maaha, haddaad wax ka sheegtidna waa lagu xerayaa oo sharcigaan ayaad jebisay.
3. Qofka waa xor maanta wuxuu ahaan karaa Lab, berrina wuxuu ahaan karaan dhedig intuu xubinka taranka badasho.
4. Ilmaha yar yar ee aan qaangaarin waxaa ka wakiil ah sharciga oo haddii ay rabaan waa loo badalayaa jinsiga, waa la qalayaa iyadoon aan wax fasax ah looga baahneyn waalidka, haddii ay diidaanna waaba la xerayaa sida hadda joogto uga dhacda waddamada Yurub iyo W/Ameerika oo sharcigaan la soo minguuriyey.
Haddaba yaa wada sharcigaan diinta Islaamka looga soo horjeedo?
Waa iska caddaan oo waxaa dhaqaale ku bixinaya kooxo cadow u ah diinta Islaamka ee marka hore noo abuuray, Alqaacida, ISIS iyo shabaab iwm. Waxaa la adeegsadaa wax magarato Somaliyeed, haween nolosha guurka ku saaqiday, iyo lacag aad u badan oo loo sheego hay’adaha meel marintooda laga rabo, gaar ahaan kuwa aan dinta aqoon u lahayn eek u cabira wadaad hebel ayaa sidaan yiri.
Waxaa muuqata in beesha Caalamka oo weligeed shacbiga Somaliyeed ay dareen ka qabeen inay hadda rabto inuu fashilo dagaalka shabaab waayo:
1. Shabaab waxay oran doonaan arka sharciga ay dowladda Federaalka waddo oo ah sharci si aad ah uga hor imanaya diinta, dhaqanka iyo caadooyinka suuban ee ummadda.
2. Wadaaddo badan oo hadda halgana qeyb ka ah oo xaaladooda ay geli karto laba daran mid dooro ama shabaab ama sharcigan xaaraanta ah.
3. Shacbiga oo hadda ay u caddahay inay beel caalam marnaba dalkaan guul u rabi nee ay Khasab tahay inay dowladda hadda hawsha waddaa ku tageeraan inay sharcigaan meel cad uga soo harto oo uusan weligiis ummada u noqonin shabaabna ay la dhintaan sharcigaan.
4. In beesha Caalamka loo muujiyo inay bannaanka naga tagaan haddii aysan dowladda ku taageereyn dagaalka ay shabaab iyo sharcigaanba kula jito.
Ugu dambeyn waxaa hadda loogu soo beegay in la rabo in dagaalka Shabaab lagu wiiqo oo shaki la geliyo shacbiga, waxaana socda dadaal aad u weyn oo ay wad beesha Caalamka oo ay ku gacan maroojineysa xildhibaanada iyo wasiirada hayata baasabooradooda iyo kuwa ay lacagaha siiso.