Maxaa sahlay in saddex jeer dib loodhigo kiiska dacwada bada Soomaaliya & Kenya.

Reading Time: 3 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.

MOL waxaay warbixintaan ku eegeysaa kiiska Badda Soomaaliya & Kenya ee yaala maxkamada caalamiga ICJ, taasoo saddex jeer kiiska dacwada dib loodhigay, arrinta ugu cajiibsan ayaa ah Sida loo doortay Madaxweyne Farmaajo hal marna lama dhageeysan Kiiska bada ee yaalo ICJ.

Haddaba waxaan ku eegeynaa Warbixintaan maxaa kalifay in tiro 3 jeer looga guuleeysto Soomaaliya Kiiska Maxkamada Caalamiga ICJ isla markaasna dib loodhigay, soo jeedimaha Kenya ay ku codsaneysay dib u dhigista kiiska Badda mase hortagi karay?

Marxaladihii uusoo maray Kiiska bada ee udhaxeeyo Soomaaliya & Kenya.

7 April 2009 Wasiir Abdirahmaan Abdishakur Warsame Asagoo wakiil ka ah Xukuumadii Raisal Wasaare Omar Abdirashiid Ali  Sharmaarke wuxuu hishiis is afgarad lasaxiiday Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Moses Wetangula hishiiskaasoo saabsan xuduud badeeda Soomaaliya & Kenya.

1 August 2009 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday hishiiskaas kadib markii cod looqaaday . ayagoo cadeeyay in aan laga hadli Karin dhulka soomaaliya oo ay tahay lama taabtan.

28 August 2014 Dowlada uu hoggaaminayay Madaxweyne Hassan Shiekh Mohamoud wuxuu dacwad ka dhan ah Kenya kuna saabsan muranka bada ee labada dal u gubiyay Maxkamada Caalamiga ICJ .

8 October 2015 Dowlada Kenya waxeey dood ka keentay sharciyada ayku fadhiso dacwada ay soomaaliya gudbisay Maxkamada Caalamiga ICJ.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai waxaa uu ku taliyay in howsha Wada hadal hoose lagu dhameeyo inta labada dal ay maxkamadaha isku jiijiidi lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in Soomaalida aanay iloobin in ciidamo mabad ilaalin oo Kenyaan ah ay ka joogaan Soomaaliya iyo in Qaxooti ka badan Nus Milyan oo Soomaali ah in ay joogaan gudaha dalka Kenya.

10 Octobar 2015 Xeer ilaaliye Ahmed Ali Daahir oo hoggaaminayay kooxda qareenada difaacayo soomaaliya ayaa sheegay in Kenya ay doonayso inay is hortaag ku sameyso dacawadda Badda, taasina ay markhaati cad u tahay sida ay uga wal walsan tahay saldhig la’aanta ee qaanuuneed ee dooda ku wajahan sheegashada Badda Soomaaliya oo ay muranka galiyeen Kenya.

26 May 2016 Maxkamada Caalamiga ICJ ayaa soo saartay warsaxadeed ay ku sheegeyso in dacwada labada dal ee Soomaaliya & Kenya dhageeysan doonto September 2016.

19 September 2016 Xarunta Maxkamada Caalamiga ICJ ka biloowday dhageeysiga dooda labada dowladood ee Soomaaliya & Kenya .

Wareegga 1aad

Kenya waxaa la dhageestay , Isniinta 19-ka, 10: Subaxnimo ilaa 1:00 Duhurnimo, Soomaaliya waxaa la dhageystay , Talaadada oo 20-ka ah, saacadaha 10: subaxnimo ilaa 1 duhurnimo,

Wareegga 2aad

Kenya waxaa la dhageystay Arbacada 21-ka, Saacadaha 4:30-6-da Galabnimo Soomaaliya waxaa la dhageestay  Jimcaha 10 -11:30 subaxnimo.

2 February 2017 Maxkamada Caalamiga ICJ waxaay soosaartay goaan ay ku sheegeyso in dacwada labada wadan ee Soomaaliya & Kenya  ay qaadi karto lana bilaabayo guda galka garmaqalka labada dowladood.

Wixii ka danbeeyay Doorashada Madaxweyne Farmaajo 8 February 2017 waxaa dib loodhigayay dacwada bada Soomaaliya & Kenya tiro 3 jeer .

Maxaa kalifay in soomaaliya ay difaaci wayso innaan dib loodhigin kiiska dacwada labada dowladood oo yaala Maxkamada Caalamiga ICJ?

  1. Madaxweyne farmaajo wuxuu dhaqaalihii ka goostay looyaradii daafacayay Soomaaliya.
  2. Wuxuu kala diray looyaradii qibrada lahaa ee difaacayay Soomaaliya
  3. Wuxuu hoos udhigay muhiimada ay soomaaliya u leedahay Dacwada bada

Maxaadan ogeyn uu Madaxweyne farmaajo ka damacsan yahay Kiiska bada ee soomaaliya & Kenya ?

Madaxweyne Farmaajo oo wadaxajood kula jira Kenya ayaa usoo bandhigay hishiisyo aad u halis badan taaso uu rabo in laba qodob ay fuliso Kenya kadibna uu dib usoo celinaayo kiiska dacwada bada ee yaala maxkamada caalamiga ICJ.

  1. In Kenya ay taageerto dooraashada dib usoo noqoshada Madaxweyne farmaajo sida taageeradii ay u fudisay hore.
  2. In Kenya ay burburiso Maamulka Ahmed Madoobe isla markaasna ay kismaayo geeso musharaxa uu wato Madaxweyne Farmaajo

Dowlada Kenya labada qodob uusoo jeediyay waxeey ku xirtay sharuudo adag maadama horay hishiis 3 geesood oo ay wadagaleen Kenya , Qatar & Madaxweyne farmaajo looga baxay Xukuumada Nairobi.

Sharuudaha Kenya usoo gudbisay Madaxweyne Farmaajo.

  1. In lacuryaamiyo looyaradaha Soomaaliya oo umuuqday kuwa leh xirfad aad u adag maadama ay Kenya ka horistaageen soo jeedinteeda ah in kiiskan lagu xaliyo meel kabaxsan Maxkamada .
  2. In dib looso celiyo Kiiska bada ee yaalo Maxkamada Caalamiga ICJ taaso Kenya fursad usiineyso sheegashadeeda biya badeedka Soomaaliya .

Madaxweyne farmaajo ayaa ku tala jira in uu dib usoo celiyo kiiska bada ee yaalo maxkamada caalamiga ICJ balse wuxuu cabsi wayn ka qabaa shacabka soomaaliyeed oo indhaha ku haya sida loomareenayo dacwada.

Madaxweyne Farmaajo kama hadlo qadiyada xasaasiga ah ee Saameenta ku leh Soomaaliya, Kiiskii Bada ee muranka galisay Dowlada Kenya madaxweyne Farmaajo uma maareen si ku jirto Wadaniyad mana jeclo inuu bixiyo faahfaahino dheeri .

Madaxweyne Farmaajo isku muujintiisa inu yahay wadani ayeey albaabka usoo xirtay arrintaan kadib inta uu joogay uu dalka katalinayay hal marna lama dhageeysay Kiiska Dacwada Soomaaliya & Kenya , arrintaas oo ku timid kutalagalkiisa in heerkaan lasoogaaro.