Had & Jeer waxaa ay argagaxisada fulisa Qaraxyo aad u culus taaso ay ku xasuuqeyso Shacabka Soomaaliyeed, Dowlada Soomaaliyana mudadii ay talada Heysay waxaay waxka badal ku sameeysay Qorshaha Sugida Amniga Qaranka tiro 14 jeer hadana wali wa ay socdaan Qaraxyada ama Amni darada kajira dalka guud ahaan gaar ahan Muqdisho.
Muqdisho Online oo baaris ku sameeysay halka ay cilada ka jirto, maadama si loo sugo Amniga ganacsatadii laga Curyaamiyay ineey shaqeestan sido kale ay go’day gabi ahaan isusocodka bulshada .
Sababta ugu wayn, waxa ay tahay Hey’addaha Amniga oo laga dhigay mid ku dhax Milan Siyaasada, ugu horeen curashada Dowlada Farmaajo Madaxda ka yahay, waxaay si rabitaan shaqsi ah u badashay Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida iyadoo aan la iswaydiin Amni ma galyaa qof jecleesi ama rabitaan shaqsi.
Taliyihii lagu keenay rabitaan shaqsi asago aan aqoon ulaheyn si loo sugo Amni wuxuu asna keena koox cusub oo uu umagabayo ineey hoggaamiyaan Amniga dalka kuwaasoo aan la heyn qibrad iyo waaya aragnimo ay ku sugi karaan Amniga Qaran.
Hadaan Tusaale idinku Soo qaado NISA oo ah Indhaha & Qalbiga Qaranka Soomaaliyeed balse hada kaliya ah Raali Galinta Madaxweyne Farmaajo aan tixgalin u haynin Amniga Shacabka Soomaaliyeed .
NISA waxaa Taliye looga dhigay shaqsi qibradiisa ay tahay Wariye Nimo , kaaso ku fiicnaan lahaa inlaga dhigo wasiirka Wasaarada Warfaafinta siduu u hormariyo Television Qaranka . sido kale waxaa ku xiga Abdulahi Kulane Doora Naar oo ah Agaasimaha Guud ee shaqaalaha NISA shaqsigaan wuxuu kashaqeeya jiray inta uu joogay Mareykanka shirked iibisa doorooyinka asagoo u qaabilsanaa qoor gooynta doorooyinka oo maalinkii Madaxa ka jari jiray 3,000 kun dooro , sido kale Saraakiisha kalana waa ay yartahay wax qibrad Ciidan ama aqoon u leh Sugida Amniga Qaranka.
Shaqsiga noocaas oo kale markii lamagacabo masugi karyaa Amniga waa Maya , taas badalkeedana qorsha howleed kiisa wuxuu ka dhiganayaa .
1. Yaa ineceb?
2. Yaa Madaxweynaha Mucaarad ku ah?
3. Sidu Madaxweynaha Kusoo Noqon karaa ?
4. Sidee lacag u dhacaa?
Waxaa meesha ku burburtay nolosha shacabka Soomaaliyeed oo sugayay in lasugo Amnigooda halka dadkii lagu sugayay ineey Amniga sugan aay yihiin dad aan u qalmin ama hankooda ku eg rabitaan shaqsi .
Muqdisho online waxaay sido kale so xaqiijisay inuu sax yahay isku milanka Shabaab & NISA