Maxaa saakay ka cusub deegaanada Maamulka Puntland !

Reading Time: < 1 minute

War ay siweyn ugu farxeen shacabka kunool degmada Burtinle ee gobolka Nugaal iyo guud ahaan Puntland ayaa naga soo gaarey maanta degmadaasi Burtinle.

Maamulka degmada Burtinle iyo gudiga gacanta kuhaya dhismaha laamiga degmadaasi ayaa ka warbixiyey halka ay wadadu marayso xilli maanta wajigii labaad lagu bilaabay daamurka iyo jayga oo hab casri ah loo saaray.

Masuuliyiinta warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dhowaan ay soo afmeeri doonaan dhismaha wadadaasi laamiga ah oo dhibaato badan ay ku qabeen shacabka iyo darawalada kala duwan ee dhexmara degmada Burtinle.