Maxaa RW Rooble u Diiday inuu Guddoomiyo Shirkii Galaha Wasiirada Maanta? Akhriso.

Reading Time: 2 minutes

Shir muhiim ah ayaa maanta waxaa la isugu yeeray golha cuub ee wasiirad, shirkaas oo uu ahaa kii ugu horreeyey oo golaha cusub  ee wasiirada isugu yimaadaa..

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Guuleed ayaa shir guddoomiyay kulan wasaaradda maaliyaddu ay wasiirrada cusub ee xukuumadda ugu soo bandhigeysay miisaaniyadda dowladda ee 2020/21, weilna waxaa taagan xisaab xeradii ka horreeyey oo aan la xerin, waana maamulxumo musuqmaasuq lagu qarinayo.

Wasiir Beyle B oo ku soo noqday wasaarad uu horay dilay ayaa Xubnaha  cusub ee  Golaha Wasiirada la wadaagay miisaaniyada iyo in la soo daabici doono dhowaan lacagtii Shilin Somaliga. Shirka intiisa badan waxaa looga hadlay soo noooleynta beentii uu Beyle daladali jiray xelligii kheyre oo beryahan shiiqday, balsa hadda la bilaabay in boorka laga jafo. Beentaas waa daabicidda lacagta shilin Somaliga ah.

Golaha ayaa waxaa yaab leh in RW dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu ka maqdaay shirkaas. Xogag kala duwan oo ay golaha cusubi isla dhex marayaan ayaa sheegeysa in uu RW Rooble ka cudurdaartay shir uusan ka warqabin waxa looga hadlayo runimadooda iyo qorshahooda. Qaar kalaa leh mayee waa loo diiday inuu shirkaan gudoomiyo.

Si kasat oo ay tahay shirkan waxaa uu leeyahay arrimo dareenkooda leh:

  1. Waa shirkii ugu horreeyey ee ay golahan cusubi yeeshaan markii ugu horreysay taariikhdooda mana joogo RW hogaaminayey.
  2. Waa shirkii ugu horreeyey ee yeelanayaan maalintii ugu horreysay golihii uu horkacayey R/wasaare Cusub oo aan isagii soo xaadirin.
  3. Waa shir muhiim ah oo looga hadlay miisaaniyaddii dalka iyo mid kamid ah tiirarka qarinnimo dal ay ku taagan tahay oo ah lacagtii dalka masiirkeeda.

Runtii Somaliya waxay gashay bad badow oo mugdi ah, mana hayso waddadii ay kaga bixi lahayd. Waxaasa la yaab noqotay markii uu shirka ka maqnaaday RW dalka Maxamed Xuseen Rooble oo uu shirkii golaha wasiirada uu  gudoomiyey wiilkii ahaa Wakiilka Abiy Ahmed ee u dhex fadhiya golaha wasiirada Somaliya iyadoo RW Rooble u dhinacna isaga dhaqaajin waayey waa Mudane Atto Mahdi  Maxamed Guleed Khadar.

muuqaalkaan ka faham cidda uu u shaqeeyo Mahdi Guuleed.