Muxuu Farmaajo uga baaqday shirka Carabta? Muxuu yahay ujeedka safar Kheyre ee USA?

Reading Time: 3 minutes

Waxaa Tunis lagu qabanayaa shir ay ka soo qeyb galayaan dhammaan wadamada Carabta hogaamiyayaashooda. Shirkaan oo xasaasi ah waxaa diirada lagu saarayaa hadalkii mareykanka ee ahaa in Yuhuddda ay Buuraleyda Golen Heights ay ku darsato dhulka reer Faastiin ee ay xooga ku haysato, Waxaana shirkan ka soo bixi doona qaraar carbeed oo arrintaan lagu diidan yahay.

Shirkan waa kii ugu weynaa ee sannadahan ay qabtaan waddamada carabta, waxaana ka qeybalaya dhammaan boqorrada iyo madaxweynayaasha carbeed sida Masar, imaaraadka, Marooko, Sacuudiga, Qater iyo kuwa kale oo badan.

Muxuu MW Farmajo Baaqday?

MOL ayaa heshay sababta rasmiga ah ee uu Madaxweyne farmajo u baaqaday Shirkaas muhiimka ah marka laga soo tago dayaacadda raqiiska ah ee ay madaxtooyada fideyneyso oo ah “xaaladda amaanka dalka”. MW Farmajo wxaa uu casuumad rasmi ah ka helay madaxwynaha Tunisia Maxamed Baji Qa’id Alsabsi inuu ka soo qeyb galo shirkaas muhiimka ee looga hadlayo dhulka Muslimiinta carbeed ee Suuriya ay rabto inay Yuhuudda oo haddaba xoog ku haysataa ay ku darsato dalka ay Falastiin ka haysato.

Haddaba MW Farmajo waxaa uu shirkan uga baaqday:

  1. Isagoo diidan in loo codeeyo isagoo goob joog ka qaraarka carabta ee looga soo horjeedo Yuhuudda iyo Mareykanka ee lagu ilaalinayo lahaanshaha Buuraleyda Golen. Haddii uu ka aamuso waxay dhibeysaa Yuhuudda oo uu taageero qalbiga u hayo, haddii uu u codeeyo qaraarkana waxay dhibeysaa saaxibadiis Abiy iyo Afawerki.
  2. Wuxuuna uga joogay isagoo ka baqaya inuu ka baxo ballantii uu ka qaaday RW Itobiya iyo MW Erateriya Afarwarki oo ahaa inuu amri doono safiirkeenna Jineefa inay ka ammusto qaraarkaas oo ay si dedban u taageerto Yuhuudda, iyadoo markii la qabsadayna ay safiirku sheegtay in MW Farmajo sidaas ku amray.
  3. Isagoo cabsi ka qaba in gudaha looga kaco oo ay shacbiga Somaliyeed oo awlaba siyaasad xumadiisa qaati ka joogay ay bilaabaan kacdoon shacbi maadaama ay ka muuqato inuu ka been sheegay dhammaan ballantisii ahayd difaaca “Dalka, Dadka iyo Diinta”, maantana uu keenay inuu Yuhuud ku taageero la wareegiida lahaanshaha dhul dal carbeed oo muslim ah.
  4. Isagoo ka acabsaday in Shabaab ay ka faa’iideystaan bannaankana soo dhigaan inuusan dal iyo diin toona dan ka lahayn ee uu rabo inuu wax ku khariibo kursiga.
  5. Qodobka ugu daran ayaa ah isagoo ka baqay inay ku adkaato inuu la kulmo Amiirka Qatar, kana dhuunto inuu la kulmo madaxda Sacuudiga iyo Imaaraadka oo shirkaas u tagay muhimadda uu leeyahay darted.

Waayo MW Farmajo hddii uu la kulmo dhammaantood waxaa carooneysa Qatar oo ka joojineysa lacagta dhiigbaxa nagu ah ee ay dalkeenna ku baabi’iso. Haddii uu la kulmo Amiirka Qatar balsa uu kuwa kale iska dhaafana waxaa sii xuumaanaya xiriirka uu dalku leeyahay labada kale oo haddaba ku sugan meel aad u halis ah.

RW Kheyre

Dhinaca kale waxaa isna hadda isu diyaarinaya safar uu isku dhisayo RW Kheyre uu ku tagi doono Washington DC, bartamaha bisha April,  si uu uga qeybgalo shir ay isku imanayaan wasiirro iyo agaasimayaal dhinaca dhaqaalaha ah oo la kulmaya IMF iyo Bangiga Aduunka.

Haddaba ma laga yaabaa inuu RW Kheyre uu dadnimo  yeesho qaatana mas’uuliyad oo uu safarkaas ka baaqdo si uu wax uu uga qabto xaaladda caasimadii dalka oo Bandow ku jirto?

Shirkaas maaha shir macna badan ugu fadhiya Somaliya waxaana ka soo qeybagalaya madax hoose, laakiin sababta uu kheyre ugu socdaa ayaa waxaa laga soo sheegayaa inuu:

  1. Isa soo baro madaxda Bangiga iyo Sanduuqa IMF si uu isu sharraxo 2020, isla markaana u soo been faano.
  2. Inuu shacbiga been uga sheego inuu u tagayo arimaha la xiriira deyn cafinta oo muddo dheer oo soo bilowday 2014 markii ay codsatay, bilowdayna dowladdii hore.
  3. Inuu xoogaa dhaqaale ah uu ka sameeyo maadaama uu sii qaadanayo lacag dhan $300,000 iyadoo ciidankii loo la’ayahay iidaan iyo cunto mushaar iskaba dhaafe.
  4. Waxaa uu dalka ka tagayaa iyadoo; shabaab ay kaabiga ku hayaan Xamar inay gacanta ku dhigaan; iyadoo ay shabaab gacanta ku dhigtay dhammaan liiska shaqaalaha dowladda u shaqeeya oo ay ku cad yihiin magaca qofka, hooyadiis, Meesha uu degan yahay iyo numberkiisa telfoonka. Tan oo ah khater si dhab ah looga dareemi doono maalmaha soo socda kadib markii ay shabaab dilaan dad badan oo iska xoogsato ah si ay dowladda ugu cadaadiyaan inay shaqale weyso.
  5. Waxaa uu dalka katagayaa iyadoo Caasimadda si rasmi u gashay Bando, ayna adag tahayna in qof mas’uuliyad sheeganaya uu dalkiisa ka tago waqtigan oo kale, kan oo ah xelligii ay madaxda dunida safaradooda ay soo gaabin jireen dalkoodana ay si degdeg ah ugu soo noqon jireen.