Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa Maanta oo Talaado ah waxa ay Xaruntooda ku yeelan doonaan kulan xasaasi ah kaas oo ay uga hadli doonaan qodobo dhowr ah.
Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta meel marinaya Hindisaha Sharciga Dhismaha Guddiga Ladagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxa-banaan kaas oo Xubnaha Aqalka Sare horay uga doodeen.
Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Aqalka Sare ka sheegay in aan la dhisi Karin Guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa ilaa laga ansixiyo Sharciga Dhismaha Guddiga Ladagaalanka Musuq-maasuqa.
Guddoonka Golaha iyo Xubno ka mid ah Aqalka Sare ayaa waxa ay horay u soo bandhigeen qodobo u baahan in wax laga bedelo, sida cidda awoodda u leh magacaabista iyo ansixinta Guddoonka Sare ee Guddigaas.
Maanta oo talaado ah ayaa la filayaa in Xubnaha Aqalka Sare ay meel mariyaan Hindisaha Sharciga Dhismaha Guddiga Ladagaalanka Musuq-maasuqa si loo dhiso Guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa.