Dad badan ayaa waxay dood ka keeneen magacaabista Hantidhowraha guud ee Dowladda, Qareen Axmed Ciise Gutaale, iyadoo qaar kalane ay su’aalo iska weydiiyeenn sababta loogu mgacaabay shakhsi sharciyaqaan ah halkii laga magacaabi lahaa shakhsi xisaabaadka iyo maalliyadda yaqaana.
Su’aashu waa sax laakiin markad dib u raacdo taariikh dadkii soo maray hay’adda hantidhowrka waxay badankood ahaayeen sharciyaqaanno dowladdi Maxamed Siyaad ahn. Sababta ugu weyn ee sharciyaqaan loogu baahan yahay waa hay’ad ilaalisa Hantida qaranka waana inay cuskataaa shuruucda dalka.
Markii aannu weydiinnay xadfiisyada dowladda ee ay ka soo baxday magacaabista waxay noo sheegeen in sababta ugu weyn ay tahay in loo baahan yahay sharciyaqaan hogaamiya baarista iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, maadama dalka uu deyn cafiskii la sugayey oo soo dhameystirmi rabo.
Xafiiska waxaa jooga baarayaal xisaabdka iyo maaliyadda si fiican u yaqaanna hasa yeeshee waxaa loo baahday sharciyaqaann hogaamiya si loola dagaallamo musuqmaasuqa dalka ka jira loona soo celiyo xisaabi xil ma leh.
Hantidhowraha cusub waxaa uu leeyahay aqoon sharciyeed iyo mid saxaafadeed oo uu u adeegsan karo inuu qaado baaritaanno waafaqsan shuruucda dalka ka jirta oo aan si fudud loo duri Karin go’aamadiisa isla markaana qoraallo u sameyn kara shacbiga iyo shaqaalaha.
Faa’iidada ku jirta magacaabista shaqkhi leh labadaan xirfadood waxay tahay:
- Isagoo awood u leh inuu baarista iyo ilaalinata hantida qaranka amri karo oo garan kara qodobada la jebiyey si qofka si sahal ah loo horgeyn karo maxkamadaha awoodda u leh.
- Isagoo shacbiga iyo shaqaalaha dowladda u soo saari kara qoraallo iyo wararka ay ugu baahan yihiin inay kaga fogaadaan musuqmaasuqa maadaama uu ka mid yahay bahda saxaafadda oo dalka muddo dheer ka shaqeynayey.
Isku soo duub xafiiska hantidhowrka guud waa xafiis leh aqoonyahanno si fiican u qaban kara hawsha xafiiska waxaanu agaasimaha cusub la imanayaa laba xirfadood oo kordhin doona awoodda iyo habsami u socodka hawlaha xafiiska Hantodhowrka guud maadaama dalku uu hadda dhameystirayo shuruudihii deyn cafinta.
Xisaabi xil ma leh inay ka dhaqaaqdo dalkaan si aad ah ayaa loogu baahan yahay waxaana rajeyneynaa inuu shakhsigaan noqdo mid gacanta ku dhiga musuqmaasuqa.