Maxaa looga hadlayaa Shirka Madaxweyne Xasan Sheekh ka furaayo Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka?

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ee magaalada New York ee dalka Mareykanka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkaas.

Shirkan waxaa ka qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaasha kala ah:

1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada New York ee dalka Mareykanka waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaas.