Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Reading Time: < 1 minute

Maanta ayaa waxaa la filayaa inay Xarunta Villa Hargeysa kulan ku yeeshaan Xildhibaannada Golaha Shàcabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan Arrimo dhowr ah.

Shalay ayay Xildhibaannada labada Aqal yeesheen Kulan wadajir ah, kaas oo Wasaaradda Maaliyadda ay Xildhibaannada horgeysay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo Xildhibaannada shalay ku waregliyay in uu jiro kulanka Golaha Shacabka ayaa sheegay in la Magacaabi doono guddi ku meel gaar ah oo Labada gole ka kooban kaas oo miisaaniyadda ka soo shaqeeya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay  in waqtiga aad loo ilaaliyo si xildhibaanada waqti fican ugu helaan ka doodida Ajendiyaasha markaa taagan kadib markii shalay Xildhibaannada ay soo xaadiri waayeen waqtigii loo baahnaa.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah sida ansixinta Ra’iisul Wasaaraha la soo Magacaabi doono iyo sharciyo dhowr ah.