Maxaa looga hadlayaa kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay maanta kulan ku leeyihiin

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa xalay lagu wargeliyay inay maanta kulan ku yeelanayan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa ah akhrinta 2aad ee ku noqoshada Miisaaniyadda 2019, oo qaybteedii hore ay toddobaadkii hore ka doodeen.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somaliya ayaa 31-kii bishii hore ee October ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2020, taasoo uu cadadkeedu gaarayo adduun lacageed oo dhan $469.5 milyan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa looga fadhiyaa inay ansixiyaan miisaaniyadda sanadka soo socdo ee 2020, ka hor inta aanay dhammaan bisha soo socota ee December.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!