Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanayo Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa ah aqrinta 3-aad hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda. Waxaa kaloo Ajendaha loo hadlayaa geerida Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Singub.
Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar jecel oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa u sheegay in kulanka maanta ay ku darayaan geerida Allaha u naxariistee Abwaan Singub.