Maxaa looga hadlayaa kulanka Baarlabaanka ee berrito loo balansan yahay?

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta golaha shacabka oo xildhibaanada ay ku shiraan.

Kulanka xildhibaanada baarlamaanka ku yeelanayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kulamada maalmihii ugu dambeeyay xildhibanada ku yeelanayeen golaha shacabka.

Kulanka maalinta beri ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa xildhibaanada waxay warbixin kaga dhageysanayaan guddiga madaxa banaan ee xuduudaha dalka, sida guddoonka baarlamaanka uu sheegay.

“Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah warbixin ka dhageysanaya guddiga madaxa banaan ee xuduudaha” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka.

Kulamada baarlamaanka ee Kalfadhiga Shanaad ayaa buuq badan dhaliyay, walow markii dambe la xaliyay khilaafka ka dhex yimid xildhibaanada baarlamaanka.

Kulamadii ugu dambeeyay ayaa lagula xisaabtamay islamarkaana warbixino looga dhageystay guddiga doorashada madaxa banaan ee dalka.