Maxaa looga hadlayaa Ajandaha Golaha Shacabka ee Maanta?

Reading Time: < 1 minute

Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ay ku beegan tahay 30 Bisha Octoober 2019 ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ah midkii lixaad ee Golaha Shacabka ayaa saacadaha soo socda ka furmi doona Xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taalla Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulanka, isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.

Ajandaha Kulanka ayaa Ah Akhrinta 3aad ee Wax ka Badelka Sharciga Iibka Qaranka iyo Akhrinta 3aad Wax ka Badelka Sharciga Furdooyinka.

Xubnaha Golaha shacabka Somaliya ayaa muddooyinkii dambe ku shaqeynaayay xarunta Villa Hargaysa, maadaama dhismaha Golaha shacabka dib u dhis uu ku socdo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!