Maxaa looga hadlay shirkii caawa ee Xaaf iyo Xildhibaanada Federaalka?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmad Ducaal Xaaf ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caawa magaala madaxda ku meel gaarka ah ee Galmudug. Wafdiga aya ku degay aqalka Madaxtooyada ee magaalada Cadaado, waxaana halkaa uga bilowday shir uu la lahaa xildhibaanada Galmudug ee ku jira Baarlabaanka Federaalka ah.

Shirka aya looga hadlay xaaladda cakiran ee Galmudug, dagaalka siyaasadeed ee ay soo maleegeen MW Farmaajo iyo RW Kheyre.

Shirka ay la isku afgartay in aanan wixii hadda ka danbeeya aanan loo dulqaadan doonin daandaansiga Madaxda dowladda iyo isku dayga ay rabaan in ay burburiyaan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ujeedka Farmaajo iyo Kheyre aya la sheegay in aanu ahayn doorasho balse ay tahay in ay burburiyaan Galmudug si ay u boobaan doorashada Federaalka ah. Farmaajo oo ku jira gabaabsi aftartii sano ee la doortay aya raba in uu sifo sharci darro ah in uu ku sameysto muddo kororsi isagoo raba in uu ka saxiixdo Dowlad Goboleedyada isaga uu sameystay, ogna in Galmudug aanay riyadiisa raqiiska ah aanay marnaba yeeli doonin, ayuu yiri mid ka mid ah Xidhibaanada goobta fadhiyay.

Dagaalka Galmudug lagu qaaday aya laga cabsi qabaa in uu soo gaaro magaalada Muqdisho iyadoo ay socdaan qaban qaabada Mudaaharadyo looga soo horjeedo Farmaajo iyo Kheyre sida ay MOL xog ku heshay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here