Maxaa looga hadlay shirkii caawa ay yeesheen Rooble iyo madax goboleedyada?

Reading Time: < 1 minute

Shir u dhaxeeyay Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa caawa ku qabsoomay qadka Zoomka, iyadoo shirkan looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka, sida dhameystirka doorashada Aqalka Sare iyo qabashada doorashada Golaha Shacabka, waxaana warbixin looga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federaal.

Ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegaya in isku soo hadal qaaday in shir isugu yimaadaan, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!