Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta lagu qabtay Shirka Khamiislaha ee golaha Wasiirada Jubbaland,waxaana shir guddoominayey Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku-xigeenka labaad Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud.
Qodobada shirka looga hadlaayey ayaa waxaa kamid ahaa arrimaha siyaasadda, Amniga iyo abaaraha ka jira deegaanada Jubbaland.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa furitaanka shirka, kaddib waxa uu ka warbixiyay arrimaha amniga iyo siyaasadda dowlad Goboleedka Jubbaland, iyada oo sidoo kale warbixino lag dhegsytay xubno ka tirsan golaha Wasiirada Jubbaland.