Maxaa looga hadlay, kana soo baxay kulankii Kheyre la qaatay Beesha Sacad? (Xog Faahfaahsan)

Reading Time: 3 minutes

Xassan Kheyre ayaa waxa uu kulan dheer la qaatay waxgaradka,  odoyaasha iyo qaar kamida xildhibaanada beesha Sacad oo wada jira,. Kulankaan ayaa ka dhacay magaalada Cadaado oo uu Xassan Kheyre ku sugan yahay.

Kulankaan oo albaabada u xirnaa ayaa waxa uu fursada  u siiyay Xasan Kheyre in uu ku muujiyo awoodiisa dowladeeda isla markaana dhagayso cataawga iyo eed sheegashada Beesha Sacad ay ka eed sheegaynayso dhibaatooyinkii uu isaga horay ugu geeystay.

Hadalka oo ay fureen odoyaasha dhaqanka beesha Sacad ayay guud ahaan uga hadleen  xaalada guud iyo dhibaatooyinka ay ka sheeganayeen dowlada Farmaajo. Intaas ka dib ayaa beesha Sacad waxa ay soo jeedisay shan qodob oo ay  doonayeen in uu Xasan Kheyre jawaab ka bixiyo;

  • Beesha Sacad ilaa iyo xiligii loo doortay kurisga Madaxweynanimada si nabad ah uguma fariisan waxaana ku socday dagaal dhinacyo badan ugu imaanayay, haba ugu danbeeyo kii Xaaf looga soo ceyriyay magalaada Dhusamareeb, Sidaaad darteed, doorashada Madaxweynaha soo socdaa waa in la siinayaa beesha Sacad . Waxa la waydiiyay Kheyre in uu sheego in ku taagersan yahay beesha Sacad talada ah in  ayaga kaliya loo dhaafo hogaanka Galmudug?
  • Farmaajo iyo adigaba waxaad dhagax dhigteen Magaalada Hobyo mashaariic dhismayaalahilaa iyo hadda wax laga higaliyay mashaariicdaas ma jirto? Maxaa ka damaacsan tihiin.mashaariicda Hobyo?
  • Galdmudg waxa ay u baahan tahay dib u heshiisiin, si loo helo meel xur ah oo ay dadka ku heshiin karaan waa in dib u heshiisiinta iyo  doorashadaba lagu qabtaa magalaada Cadaaado? Ma taageersan tahay fakarkaas?
  • Beesha Sacad waxa hortaalo bixinta Magdhawga dadkii reer Koonfur Galbeed ee lagu dilay magaalada Gaakkactyo , waxaa laga codsanyaa dowadlada Fedaraalka in ay qayb ka bixiso lacagta magdhawga ah
  • Oday Xaaf oo soo halgamay hadii uu iska baxayo waa in si buuxda loo sogotiyaa oo isaga oo sharafle baxaa? Maxaad ugu talagashay?

Xassan Kheyre oo ah nin ku dheeraya beenta iyo indha sarcaadka, ayaa mudo lagu qiyaasay 35 daqiiqo waxa uu amaan kala duldhacay beesha Sacad isaga oo sheegay in ay Sacad gob u yihiin Soomaalida, qaranimada Soomaaliya ay iyagu keeneen. Odoyaasha iyo waxgaradka beesha ayaa u riyaaqay amaanta ka soo yeerayso Kheyr. Waxaad ka dheehan kartay hadalka beesha Sacad  ka soo yeerayay in  ay ka luntay kalsooni iyo qobkii lagu yaqiinay beesha Sacad.

Kheyre oo ka jawaabaya su’aalahii  la waydiiyay  ayaa yiri:

  • Aan ka bilaabo arinta magta , $50,000  oo doolar baan aniga shaqsiyan bixinayaa oo aan jeebkeyga ka bixinayaa inta kalana idinka iska bixiya.  Waxa uu ku daray “..aniga waxaan ahay reer Galmudug dhibka wiilasha Sacad geeysteena aniga xaq baa la iigu leeyahay in ay qaybteyda bixiyo”.
  • Dhismaha Hobyo: Iyada oo ay ka muuqato in uu been sheegayo, ayuu la soo s booday “howshaas waa dhameeynay, dhismaha waa bilaabaynaa, wasaaradda howlaha guud ayaana dhawaan bilaabayso”..waxa uu intaas ku daray “waan aqaan beesha Sacad ganacsi bey ku fiican tahay, ragii qalabka dhismaha lahaa, la soo baxa mar dhaw ayaad bilaabaysaan shaqada… Reer Sacadoow ogaada in aan godob idin galay , Beesha Cumar Maxamuud ayaan idinkaga hiiilyay oo dakadooda in aan furo diiday”.
  • Cadaado: Aniga waan soo dhaweynayaa in shirka Cadaado lagu qabto, laakiin wadatashi ayaan galinaynaa.. laakiin magaalo u qalanto waa tahay Cadaado
  • Arinta Xaaf: Waxa uu yiri “ MW Xaaf waa nin soo halgamay oo oday ah , aadna aan u jeclahay, arintiisa meel fiican ayaa ay ku dhamaanaysaa.. Maanta waan wada qadaynaynaa .. marka taas waxba ha ka walwalina aniga iyo isaga waan isfahmi doonaa…
  • Doorashada Madaxweyaha: “Aniga waan aaminsanahay inBeesha hogaanka lagu celiyo, Sacad waa dad gob ah…., waana talo aan aad ula dhacsanahay ,…. Laakiin aan ka wada shaqeyno si beesha Sacad loo soo doorto markale”

Xasan Kheyre oo aan ka xishoon beenta iyo indha sarcaadka ayaa odoyaasha Beesha Sacad u sheegay waxa kastaa oo ay jeclaayeen in ay maqlaan. Kheyre oo og in ayan waxaba ka suuagalaynin balamaha uu qaadayo ayaa hadana aan marnaba ka hor imaan rabitaanka beesha Sacad.

Sharaftii iyo karaamadii reer Galmudug ayaa waxa ay isugu soo uruurtay in Xasan Kheyre ay ka tuugaan in uu la bixiyo magdhaw dad la dilay halka lagula xisaabtami lahaa dhibkii uu u gaystay reer Galmudug. Oday ka mida odoyaasha ka qayb galay kulanka oo ay MOL la hadashay ayaa yiri “ … war ninka hadal badanaa, hadana xigmad yaraa… walaahaan ku dhaartay in uusan hal eray oo run ah uusan noo sheegin, war tanoo kale…”.