Axmed Nur Mohamed waxaa uu ahaa gacanyaraha Qaaska ah ee Allaha unaxariistee Eng Yariisoow Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo xafiiska lagu dilay bishii July 24, 2019.
Axmed Nur oo ahaa Shaqsiga sida qaaska ah u hayey Taleefoonadda, passworada iyo dhammaan baraha bulshada uu Gudoomiye Yariisoow lahaa. Wuxuu haayey facebooga iyo aaladaha kale ee Gobolka kuwaasoo uu Eng Yariisoow u xilsaartey..
illaa maalintii uu dhintey Eng Yariisoow Waxaa saarnaa Cadaadis ah inuu Soo wareejiyo Taleefoonadda Qaaska ahaa, Emailadda iyo passworada Gudoomiye Yariisoow, waxaana cadaadis ku hayay ilaalada qaaska ah RW Xasan Cali Kheyre..
Axmed Nur telefonada uu hayay waxaa ku jiray telefon ay farriimo isku dhaafsadeen Gud. Yarisow iyo RW Kheyre xilli uu RW ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, waxaana ilo wareedyo la hadlay MOL ay noo sheegeen in farriimahaas ay ku jireen qaar uu RW Kheyre uu ugu hanjabaayo Gud. Yarisow, kaddib markii uu diiday in uu u diro lacag uu soo weydiistay oo cadadeeda dhammeyd $280 kun oo doollar.
Fariimaha aya waxaa ka mid aha
“Guddoomiye ma waxaad ila jeclaatay in aan Dhuusamareeb iska sii joogo? aaway ballantii aan lahayn. Axmed Sucuud ninka uu kuu soo diray u soo dhiib lacagta galabta, haddaanay gacanteyda soo gelin lacagtaa berri subax adigaa u qoolan”
Guddoomiye Yarisow ayaa ku jawaabaya sida hoose
“Excellency. Fadlan la hadal kaabaha una sheeg in aad adiga soo codsatay lacagta si aan kuugu soo diro, waayo wuxuu su’aalo ka keenay tii aan kuugu soo diray Gaalkacyo”
RW Kheyre ayaa u qoray
“Ma anigaad i leedahay fasax ka soo qaado Madaxweynaha si aan lacagta kuugu soo diro?. Waa mahadsantahay”
Farriinta RW Kheyre maalmo kaddib waxaa Eng. Yarisow lagu dilay qarax ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, wuxuuna dhaawacii soo gaaray u dhintay Ogoosto 1, 2019.
Sida ay ilo wareedyada noo xaqiijiyeen Axmed Nuur wuxuu wax walba oo uu haayey ku wareejiyey Qoyskii marxuumka, oo ku talo jira in ay caddaaladda hor keenaan ciddii ka danbeysay.
RW Kheyre mar alla markii uu ogaaday in Axmed Nuur uu telefonadii ku wareejiyay qoyska Gud. Yarisow aya waxaa uu amray in Axmed Nuur xabsiga la dhigo wuxuuna hadda ku xiran yahay xarunta CID.
RW. Kheyre ayaa joojiyay baaritaankii qaraxii Gobolka Banaadir taasoo keentay tuhun badan.