Maxaa loo sii daayay xubnihii gudigga dayactirka wadada Boosaaso?

Reading Time: < 1 minute

Waxaa shalay si lama filant ah  loo sii daayay qaar ka mid ah xubnihii gudigga dayactirka wadada magaalada Boosaaso kuwaas oo dhawaan xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay lacag usoo dirtay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya taas oo loogu talagalay horumarinta Magaalada Boosaaso.

Gudigga ayaa shalay lasoo taagay maxkamada derajada koowaad ee Magaalada Boosaaso taas oo dib  u siisay xuriyadooda, gudiga oo shir jaraaid qabtay sii dayntooda ka dib waxay sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay ayna diyaar u yihiin inay sii wadaan dhamaystirka mashruucaas. waxay ummada soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland ugu baaqeen in ay midoobaan oo gacmaha is qabsadaan.

Maxakamada ayaa shalay xukuntay in lacagta hartay ay dawladu maamuli doonto, gudigguna waxay sheegeen in duqa degmada Boosaaso uu iyaga digreeto ku magacaabay ayna wada-shaqayn doonaan.

Talaabada ay qaaday dowlada Puntland ayaa waxa ay keeni doontaa in aan hada ka dib lagu dagdagin in la dhinac maro maamulka dowladda isla markaana aan la ogolaanin in la carqaladeeyo maamulka hufan ee Puntland iyada oo la isticmaalyo lacag iyo iska horkeenida reer Puntland.