Maxa loo qabtay shirkii GWQ hadaan waxba laga badalaynin boobka doorashada?

Reading Time: < 1 minute

Waxa deegaano ka mida deeganada dalka ka socota doorashada Aqalka Hoose kaas oo ay si toos ah u maamulayaan madaxda dowlad goboleedyada kuwaas  oo ay ka go’an tahay in ay soo xulaan xildhibaano ayaga ka tala qaato.

Waxa ka socda Dowlad Goboleedyada ma aha doorasho rasmi ah balse waa xulasho iyo boob aan gabasho lahaynin. Waxaa dad badan isweydiinayaan muxuu ahaa ujeedada shirkii Muqdisho ee Golaha Wadatashiga Qaran mar hadii aan lagu dhaqamaynin go’aanadii ka soo baxay shirkaas.

Su’aalaha isweydiinta u baahan ayaa ah, Midowga Musharaxiinta ma waxay sugayaan inta laga soo xulayo xildhibaano ayan saameyn ku lahaynin? Ma waxaa u qorsheeysan inay diidan natiijada doorashada ka soo bixi doonta? Mise ayaga ayaa lakala qaybiyay oo u arka doorashada socoto mid ayan rajo kala0-haynin in ay guul ka gaaraan?