Maxaa loo dilay darawalkii Eng.Yarisow? Yaase ka danbeeyay dilkiisa?

Reading Time: 2 minutes

Tuhunka laga qabo dilka Ikram Tahliil ayaa waxa uu dib u furay kasas dilal ah oo horay u dhacay kuwaas oo aan cid loo xiray ama loo qabtay aysan jirin.   Dadka la dilay waxa kamda ahaa darawalkii Eng Yarisow, Allaha u xanariitee, Maxamed Cisman Abkow Cambuure

Marxuunkaan ayaa waxa uu ahaa sarkaal Police ah, waxa uuna ahaa Darawalka khaaska ah ee AUN Eng Yarisow. Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay marxuunka  iyo saaxiibo kale ayaa  isku xilqaamay  inay baaris gaar ah ku sameeyaan  dilkii qorshaysnaa ee  Eng Yarisow.

Sida ilo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan Marxuun Abkow waxaa la dilay 20kii Feberaayo ee sandkii hore, waxaa lagu khaarajiyay agagaarka Godka Jilicow.  Ma virt baaritaan lagu sameeyay  dilkiisa iyo cid loo xiray dilkaas.  Sida ay xiligaas sheegatay, hay’adda NISA ayaa la wareegtay baaritaankiisa. mana jirto wax la baaray ama cid dabagashay dilka wiilkaas iyo walal kale oo dhalinyaro ah.

Waxaa sidoo kale la dilay dhalinyaro saraakiil ah oo ka tirsan hay’adda NISA, iyada oo ayan jirin cid dabagal ku sameeysay dilalkaas. waxaan ka mida dhalintaas alaba u naxariistee Deeqow Mukhtar wuxuu ahaa Askari NISA . Sarkaalkaan ayaa la dilay 15 maajo ee sanadkan,  meydkiisa ayaana laga helay God Qashin ah oo ku dhaw  Xarunta tababarka ee Jeneral Kaahiye.

Dadka la doonayo in ay jawaab ka bixiyaan dilka dhalinta ku dhawayd Allaha u naxariistee Eng Yarisow waxaa kamida Xasan Cali Kheyre oo haya xog badan oo uu isagu qayb ka ahaa, waana lama huraan in uu sheego waxa uu og yahay in kaalinta uu ku lahaa dilalkaas qorshaysan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!