Maxaa loo diidan yahay in Muqdisho ay Xasiloonaato

Marka ugu horeyso waxaan ku bilaabayaa sababta ay Muqdisho u xasili la dahay waa arrimo badan oo ugu horeysa dawlada hadda jirta iyo qaar ka mid ah mucaaraadka.

Waxaan ku bilaabayaa kaalinta mucaaradka taas oo ah in mararka qaar aan aragnaa qaraxyo aan dhimasha badan lahayn iyo Hoobiyayaal lagu soo dhex tuuro gooba ay mucaaradka lug ku leeyihiin oo ay arrimahaas abaabulkooda ula socdaan, iyaga oo kaga faaideysanaya inay dhahaan dawlada way ku fashilantay amniga.

Kaalinka ay dawlada ku leedahay amni darada waxaan u qeybinaynaa sedex masauul oo dawlada ka tirsan oo sedexdaba amniga hoos tago oo aan u suura gelinaynin inay amniga sugaan sabab la xiriirta ganacsigooda iyo shaqadooda ayaa ku xiran.

Waxaan ku bilaabayaa Fahad Yasin oo ah sii hayaha NISA oo ah ninka ugu awooda badan Dawlada. Arrimaha ugu waaweyn oo amni darada ugu weyn abuurtay oo uu sameeyay waxaa ugu weyn markii uu dhalinyaradii ka soo goosatay Alshabab oo ka tirsanaan jirtay intooda badan uu ka dhigay police oo loo qeybiyay degmooyinka Muqdisho kuwaas oo labada dhinac la shaqeeya sida luqada qalaad lagu yiraahdo double agent intaas keliya ma aha Fahad isaga oo fulinaya awaamiirta dawlada shisheeya uu la shaqeeya ayuu cid walba wuxu qasab kaga dhigay inaan la Samayn karin waxa lagu hor marinayo amniga haddii ay noqon lahayd Technology looga hor tago argagixisada sababta oo ah dalka shisheeya uu shaqeeyo wax lacag kuma bixiyaan waddan nabad ka jirto.

Qofka labaad waa wasiirka amniga Mohamed Islaw Dualleh.
Wasiir Dualleh waa hantile ku leh hotel security ku yaala Xalane oo ay wada leeyihiin Shirkad maraykan oo la yiraahdo Hart Nationwide and Chelsea Group.

Hotelkaas oo habeenkii lagu seexdo inta u dhaxeyso $300- 500 taas oo ay u xushtaan macaamisha security awaadeed oo waxay si nabad ugu dhex socon karaan meeshii ay doonaan inay ka soo danaystaan oo mararka qaar wadooyinka loo xiro, waxaa kale oo Wasiir Dualleh uu leeyahay shirkado security ah oo Xalane gudaheeda iyo banaanka magaalada ka shaqeeya, sida oo kale Sameeya daba galka baabuurta madaxda oo afka qalaad lagu yiraahdo security escort.

Shaqsiga sedexaad waa La taliyaha amniga Madaxweyne Farmaajo oo ah Abdi Said.

Abdi Said wuxuu inta badan gacmaha kula jiraa arrimaha wasaarada difaaca iyo ciiddamada xoogga, wuxuu mararka qaar shaqada ka eryaa saraakiil aad u qiimo badan oo leh aqoon aad u duruqsan , sababaha inta badan uu u ceyriyo saraakiisha waa qabaailada ay ka jeedaan oo uu xumaata badan u qabo sida ay saraakiil ka mid ah kuwii uu eryay aan la xiriirnay ay inoo sheegeen hab sooca uu kula dhaqmo hogaamada.

Akhristow isku soo wada duub qolooyinkaas aan kor ku soo wada xusnay iyo ficiladooda ayaanan suura gal ahayn in Somalia ama Muqdisho ay xasiloonaato laakiin naxariisto Allah awooda leh lagama quusto. Eebow waddankii oo nabad ah. Amiin.

Ahmed Abdulla
Former Security Consultant.
Los Angels, California.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here