Maxaa laga filan karaan shirka hada u socda Rooble & Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Sida ay loo xaqiijiyeen ilo lagu kasloon yahay waxa hada ka socda   Villa Soomaaliya  wadahadal xasaasi ah oo lagu dhex-dhexaadinayo RW Rooble iyo Farmaajo Warka aya intaas ku daraya in shirkaan ay soo qaba-qabiyeen  madaxweynayaasha Koonfur Galabeed iyo Galmudug oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararkale oo ay MOL helaysa ayaa sheegaya in shirkan uu RW Rooble la tagay  qodob uu isagu u arko inay yoimihiin muhim kuwaas oo ka mid ah kuwa keenay khilaafka haatan kala dhexeeya Farmaajo. Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ra’iisul wasaaraha u sheegay Lafta Gareen iyo Qoor Qoor in ay lama taabtaan yihiin qodobadaasi, uuna ka taasuli doonin.

Farmaajo ayaan ahayn qof lagu yaqaano tanaasul siyaas darteed waxa la filyaa in RW  Rooble lagu qanciyo in uu aqbalo go’aanada Madaxweyne Farmaajo. Farmaajo ayaa sidoo kale doonaya in si gaar ah loo xalliyo, kiiska Ikraan Tahliil Faarax uuna bixiyo diyadeeda, sida uu shaaciyey Xasan Faarax oo sheegay in uu yahay adeerka Ikraan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!