Dhowr jeer oo hore ayeey dib u dhacday doorashada madaxtinimo ee Maamulka K/galbeed taasna waxaa lagu sababeeyay faragelin la sheegey in ay ku sameeyneeyso Dowlada federaalka ah Ee Soomaaliya.
19-ka bishaan ayaa lagu balansan yahay in doorashadaasi ay qabsoonto,waxaana shaki laga muujinayaa in mar kale dib loo dhigo ka dib markii ciidamo xoogan oo la damacsan yahay in lagu qalqal galiyo la geeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo Madaxda kale ee dalka kulan ay dhawaan Villa soomaaliya ku yeesheen ayaa lagu kala tegay,qodobada lagu gorfeeyay kulankaasi waxaa ugu muhiimsanaa doraashada KGS.
Sida ay xogta ku heshay MOL Madaxweyne Farmaajo iyo Rw Kheeyre ayaa waxaa ay degayaan jooko kale oo lagu qancinaayo gudoomiye mursal,waxaana suuragal ah in Ciidamo dhawaan halkaasi la geeyay dib loosoo celiyo si mursal qanaaco looga helo.
Arintaasi ayaa noqon karto talaado kooxda Nabad iyo Nolol ku helaan fursad ay usii carqaladeeyn karaan Doorashada islamarkaana uu usoo baxo Shaqsiga ay rabaan oo ah C/casiis LAFTA-GAREEN.
Musharaxiin uu ka mid yahay Muqtaar Rooboow cali abuu-mansuur ayaa hada ugu cadcad doorashada waxaana jira shaqsiyaad badan oo Nabad iyo nolol ay naas nuujineeyso oo baydhabo ku sugan waxaana ka mid Taliyahii hore ee nisa Xusseen UURKUUS.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka K/galbeed waxaa hortaalo labo arin oo muhiim kuwaasi oo kala ah in ay qaataan lacago xoogan islamarkaana u doortaan shaqsiga Villa Soomaaliya laga diray iyo in ay qaataan Go’aan Umadeed oo ay doortaan midka shacabku rabo.