Maxaa kusoo kordhay qarax xalay ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax gaari oo Caawa ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaasi oo ahaa mid lagu gaari noociisu yahay Toyota filler ayaa waxaa uu ku qarxay Aargada xeebta Liido,isla markaana waxaa jugtiisa laga maqlay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay xili dadka nool Magaalad Muqdisho ay u fadhiyeen Afurka,hayeeshee ma jiro wax Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas sida uu sheegay Taliska Ciidanka Booliska dowladda.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed oo war qoraal ah soo dhigtay barteeda Facebook ay ku leedahay ayaa faahfaahisay qaraxa.

“Abbaaro 6.30pm ayaa baabuur noociisa yahay Toyota filler ku qarxay agagaarka aargada Liido. Nasiib wanaag dhimasho iyo dhaawac ma jiro”ayay tiri Zakiya Xuseen.