maxaa kusoo kordhay Dorashada Koonfur Galbeed

Reading Time: < 1 minute

Musharaxiinta Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalintii labaad  lagu waddaa inay Khudbado u jeediyaan xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas oo maanta kulan ku yeelanaya magaalada Baydhabo.

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku adkeysanaya in jadwalkii doorashada aysan waxba iska bedelin, islamarkaana 19 bishan la qaban doono doorashada maamulkaasi.

Murashaxiinta khudbadaha ku qoran maanta ayaa kala ah: Cabdicasiis laftagareen  iyo Sayid Maxamed Ibraahim Daahir.

Shalay ayaa waxaa khudbadahooda jeediyay musharixixiinta kala ah:-  Aadan Maxamed Nuur(Saransoor), Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Ibraahim Macalin Nuunow iyo kuwo kale.

Arintan  ayaa ku soo aadeysa xili Muqdisho uu ku xiran yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa Musharaxiinta diiwaangashan kaasoo banaanbaxyo ka dhan ah xarigiisa ay maalmihii la soo dhaafay hareeyeen Baydhabo.