Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay bilaabayan diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada maamulkaasi.
Guddiga oo soo saaray Jadwalka Doorashada Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in Maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka bishaan si rasmi ah ay u bilaaban doonto diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana ay ku egtahay 26-ka bishaan.
Musharaxiin badan ayaa u tartamaya Xilka madaxtinimada koonfur galbeed,kuwaasi oo lagu wado in ay isdiiwaan geliyaan si ay ugu qeyb galaan Doorashada ka dhaceysa Magaalada Baydhabo.
5 Bisha December ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaaliya.
Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ah mid xasaasi ah,taa soo aad ka dareemeyso in uu jiro muran ku saabsan waqtiga rasmiga ah ay dhaceyso iyo qaabka loo wajahayo,waxaana wlei jirta in Dowladda Federaalka lagu eedeynayo inay faragelin ku heyso doorashada.