Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda Qabashadda doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed.
Xoghayaha Guddiga doorashadda maamulka Koonfur Galbeed Nuur Cusmaan ayaa faahfaahin ka bixiyay Wararka sheegaya in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Caddaadis ku heyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa uu sheegay in aysan jirin Caddaadis ay kala kulmeen dowladda dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale sheegay in aysan jirin xubno laga reebaayo doorashadda.
Guddiggaan ayuu sheegay in ay ku shaqeyn doonaan habraacii hore ee ay ku shaqeeyeen Guddigii doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed.
Qaar ka mid ah Musharaxiinta ayaa walaac badan ka qaba doorashadda Madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed,Maadaama ay dalbadeen in dib loo dhigo doorashadda.
Saacaddihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda cusub ee ka taagan doorashadda Koonfur Galbeed ayaa ka dhacay Magaalada Baydhabo, waxaana musharaxiinta qaarkood ay sheegeen in ay ku jahwareereen Xaaladda Koonfur Galbeed.