Maxaa kusoo kordhay Dagaal ka dhacay Xeraale?

Waxaa saakay xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud halkaas oo shalay dagaal culus uu ku dhexmaray Maleeshiyaad gacanta ku haayo deegaankaas iyo Ciidamadii Ahlusuna ee ku biiray Maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen in ka badan 40 ruux tiro kalena ay ku  dhaawacmeen oo isugu jira dad Shacab ah iyo laba dhinac ee  wada dagaalamay, iyada oo dagaalka si iskiis ah uu u istaagay.

Maanta ayaa la xaqiijiyey in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee weli ay cabsi ka jirto Magalada maadaama ay dhinacyadii dagaalamay weli ishor-fadhiyaan,waxaana dadka badi ay ka barakaceen deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka degaanka Xeraale ayaa sheegay in deegaanka ay soo weerareen ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug wallow dhinaca Galmudug ee Dhuumsareeb ay beeniyeen warka kasoo baxay Maamulka deegaanka Xeraale.

Dagaalka deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ah mid soo laab laabtay,waxaana ilaa iyo hadda mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Galmudug kama hadlin dagaalka khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here